Madaxweynaha Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray dhismaha cusub ee wasaaradda Arimaha gudaha + SAWIRRO

0
966

Hargeysa, (HargeisaPress) β€” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta Xadhiga ka jaray Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo uu madaxweynuhu hore u dhagax dhigay iyadoo banaan cad ah.

44f2e455-e5d8-4d5f-a58f-76842aaac5fa

Xadhig ka jarida dhismahan wasaaradda ayaa ah mid aad loo qurxiyey, Madaxweynahana lagu martiqaaday xaflada furitaanka oo ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiin, Madaxdhaqameed, Waxgarad, waayeel, Hay’adaha xidhiidhka dhaw la leh Wasaaradda.

05dab97d-aad6-45e4-8812-6aadfa5b79f8

ka dib markii uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray dhismaha, waxa uu kormeer ku soo maray qaar ka mida xafiisyada uu ka kooban yahay dhismahaasi iyo qaybaha ciidamada hoos yimaada ama xidhiidhka tooska ah la leh wasaaradda Arrimaha Gudaha.

dcb9928e-72c4-4ccd-882d-521339cc1456

Madaxweynaha oo Xafladaa ka hadlay ayaa yidhi,Β Farxad weyn bay ii tahay inaan maanta ka soo qaybgalo xafladda furitaanka xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha. waxaan u mahadcelinayaa dhammaan Martisharafta munaasibadan ka soo qaybgalay.

Mudanayaal iyo Marwooyin

618a96d9-96c4-4e7f-b9d4-eadc262d26ff

Wxaan u mahadcelinayaa dhammaan madaxda wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Shaqaalaha oo uu ugu horreeyo wasiirku Mudane Cali Warancade.Waxaan u mahadnaqayaa Hay’adda USAID ee dhismahan maalgelisay iyo hay’adda “T is” ee fulisay.

7ffbc3bc-e9fc-425f-863e-e22f8687f0ee

Ugu danbayn waxaan u Hambalyeynayaa ciidammada Booliska, ilaaladda xeebaha iyo kuwa laanta socdaalka ee sida hagar la’aanta shacbiga ugu adeega.

b36d0f4d-0038-46ad-b910-d5d8f28bb3a2

waxaan leeyahay dedaalka halkaa ka sii wada, ummaddiinana si wanaagsan ugu adeega.Β Xukuumadda waxa ka go’an in aanu dalka dhisno, amnigiisana ilaalino.

04b89799-107f-4364-96b9-c65985784d9a

 

Ugu danbayn Madaxweynaha waxa halkaasi lagu gudoonsiiyey Shahaado sharaf ay ku qiimeeyeen Badhasaabada, Maayarada Dalka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka tuulaya Dedaalka iyo horumarka joogtada ah ee madaxweynuhu la barbartaagan yahay marwalba.

31b99eba-1256-432c-a807-b0de2d1b2e64

b17a56ce-fd07-4c50-bbd0-476ea6bcd839

c866d9fd-34a1-4cc9-a816-d1d05a2ba729

7bbac3c9-99dc-4336-bf68-865f2eee5718

99e22b0b-6469-47d8-bc54-ab226a087171

fa1c95c7-2304-4cb5-a7d5-e78b3bfb81a6

673e61a5-5758-4e41-955f-35cbcebd969f

 

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here