Somaliland: Warbixinta Sanadka 2015 Ee Ururka SOLJA

0
905

Hargeysa, (HargeisaPress) β€” Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu ku talaabsaday sanadka 2015-ka horumar balaadhan oo dhinac walba ah, kuwaasoo uu dedaal dheeraad ah Ururku ku bixiyey sidii uu uga midho-dhalin lahaa Ujeeddooyinka loo abuuray oo kala ah:-

  • In uu horumariyo, ilaaliyo, kobciyo, daryeelo mihnada saxaafadda, isagoo tixgalianaya ku dhaqanka Anshaxa Saxaafadda
  • Inuu talo ka bixiyo wax allaale iyo wixii raad xun ku reebaya anshaxa xirfadda saxaafadda, kana qaato go’aan.
  • In uu ilaaliyo xuquuqda Suxufiyiinta, kana ilaaliyo cid kasta oo waxyeelaynaysa ama dhibaato u gaysan karta.

 

Ururka SOLJA isagoo ka duulaya Ujeeddooyinkiisa kor ku xusan waxa uu sanadkan wax ka qabtay Tacadiyadii loo gaysan jiray saxaafadda ama ay gaysan jirtay ba, waxaana sanadka 2015-ka Ururku wax ka qabtay 21 kiis oo xadhig ah, kuwaasoo oo xorriyadoodii wakhti kooban ku helay, iyadoo sanadkani ka yar yahay 60% xadhigii lagula kacay suxufiyiinta Somaliland 2014-tii.

 

Ururka SOLJA waxa uu Tababaro ka fuliyey dhamaan Goboladda Somaliland, isagoo siiyey Tababaro kala duwan 515 suxufi, waxaanu sanadkani ahaa kii ugu badnaa ee Ururku Tababaro Suxufiyiinta Somaliland.

 

Ururka SOLJA isagoo ka duulaya ujeedooyinka uu u abuuran yahay ee ah in uu heshiisyo iyo iskaashi la sameeyo Ururada caalamka iyo gudahaba, waxa uu ka helay dhaqaalaha ku baxay Tababaradaasi Hay’adaha kala ah:- NED, APD, Vikes, UNESCO, United States Ambassy,SIDA/SONSAF, Freepress iyo Telesom.

 

SOLJA waxay sanadka 2015-ka xog ururin balaadhan oo ay ka soo samaysay goboladda Awdal, Togdheer iyo Saaxil, ku soo ogaatay duruufo iyo baahiyo farabadan oo ku gedaaman hawl maalmeedka shaqo ee Suxufiyiinta iyo Hay’adaha ay ka hawl-galaan, kuwaasoo u baahan qorshe guud oo wax lagaga qaban karo.

 

Ururka SOLJA isagoo ku shaqaynaya Talooyinka iyo waayo aragnimada Suxufiyiinta kala duwan ee gudaha iyo dibeda isla markaana tixgalinaya soo-jeedimo ugu yimi Hay’adihii ay la kulmeen hogaanka sare ee SOLJA waxay lagama maarmaan u arkeen muhiimada ay wadashaqayntu u leedahay Mihnada Saxaafadda, taasoo markii la tijaabiyey meesha ka saartay khilaafaadkii faraha badnaa ee u dhaxeeyey Saxaafadda, Bulshada iyo Xukuumadda-ba.

 

Qiimayn ka soo baxday sanadkan 2015-ka oo Ururku 13 sano jirsaday waxa lagu ogaaday in 80% dakhligii Ururka soo galay 12-kii sano ee hore uu ka badan yahay ka sanadkan soo galay, taasina ay keentay Guulaha Ururka ka soo hooyey in uu ka dhabeeyo Ujeeddooyinkii loo sameeyey.

 

Ururka SOLJA waxa uu sanadkan sameeyey qorshe sadex sanadoodle ah, oo uu wax kaga qabanayo baahiyaha saxaafadda, waxaanu qorshe cad iyo sharci u sameeyey Sanduuq Horumarineed oo lagu Kaydin doono dhaqaalaha ku bixi doona baahiyaha Aasaasiga ah ee Saxaafadda, isla markaana waxa uu hirgalin doonaa Xarun lagu Tababaro Suxufiyiinta, kaasoo sanadka 2016-ka qorshaha ugu jira, isla markaana dhaqaalaha ku baxaya ay ka qayb qaadan doonaan Xukuumadda Somaliland, Ganacsato iyo Hay’adaha wadashaqayntu ka dhaxayso.

 

Ururka SOLJA waxa uu Bahda Garsoorka iyo Hay’adaha Dawliga ah ee ay khuseeyaan arrimaha Saxaafaddu la yeeshay wadahadal, iyadoo Heshiisyo midho dhalay laga gaadhay Xadhigii Suxufiyiinta oo la yareeyey, isla markaana iyadoo sharciga Saxaafadda la dhawrayo la joojiyey inaan lagula kicin xadhig ka hor intaanay Maxkamadd awood u lihi amrin xadhigooda.

 

Sidoo kale, Ururka waxa uu Garsoorka iyo Xeer ilaalinta kala xaajooday in dacwadaha Suxufiyiinta loo maro Nidaamka Habka Madaniga ah, maadaama Xeerka Saxaafadda Somaliland qodobkiisa 10aad dhigayo in Anshax marinta Saxaafadda loo maro xeerarka Madaniga ah ee Mihnadooda khuseeya, inkasta oo aanay sanadkan jirin dacwad si rasmi ah uga bilaabantay Maxkamadaha.

 

Ururka SOLJA waxa sanadka 2016-ka u qorshaysan in uu ka shaqeeyo sidii uu saxaafadda iyo Hay’adaha ay khusayso ugu furi lahaa Saaxad lagaga Doodo, isla markaana lagu qabyo-tiro shuruucda Saxaafadda, kuwaas oo u baahan in dhinacyada laga istaago si loo helo Xeerar dhamaystiran oo dani ugu jirto Saxaafadda.

 

Mahadnaq

Β 

Ururka SOLJA waxa uu u Mahadnaqayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay difaacida Xorriyatul-qawlka isla markaana dhiirigalisay Bahda saxaafadda

Soo-jeedin

Ururka SOLJA waxa uu usoo jeedinayaa Qaybaha Bulshada, Xukuumadda, iyo Hay’adaha Caalamiga ah-ba inay taakulyeen, isla markaana dhiirigaliyaan Saxaafadda iyo Suxufiyiinta ka hawl-gasha.

Baaq

 

Ururka SOLJA waxa uu uga baaqayaa Hay’adaha Dawladda inay ku dhaqmaan Xeerka Saxaafadda Xeer No: 27/2004, kaasoo jidaynaya masuuliyiinta Dawladdu inay dhawraan xaqa iyo xuquuqda Suxufiyiintu u leeyihiin Mihnada Saxaafadda ee uu dastuurka Somaliland Damaanad qaaday, isla markaana siiyey mudnaanta.

 

Dhinaca kale-na Ururka SOLJA waxa uu ugu baaqayaa Suxufiyiinta kala duwan ee ka hawl-gasha qaybaha warbaahinta inay Ilaaliyaan Anshaxa Saxaafadda, isla markaana ilaaliyaan milgaha iyo Haybada Qarankani ku karaameeyey inay ugu adeegaan Mihnada Saxaafadda oo ah xirfad qiimo ka mudan Caalamka.

 

 

Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here