Doorshooyin Maanta ka bilaantay dalka Afrikada Dhexe kaddib Sanado Colaado ah + SAWIRRO

0
908

BANGUI, (HargeisaPress) —Doorashooyinka madaxnimo iyo tan baarlamaanka ayaa maanta ka billowday Jamhuuriyadda Afrikada dhexe oo ay sannado ka jireen colaado u dhexeeya muslimiinta iyo masiixiyiinta dalkaas kuwada nool.

 

Xilka madaxweynaha ayaa waxaa u tartamaya 30-murashax, kuwaasoo mid uu dadaal ugu jiro sidii uu u bedeli lahaa madaxweynaha KMG-ka ah ee dalkaas, Catherine Samba-Panza oo xilka loo magacaabay bishii January  ee sannadkii 2014-kii.

Doorashooyinka_Afrikada_dhexe (5)

Waxaa afar jeer oo isku xigta dib loo dhigay doorashooyinka maanta dalkaas ka billowday, kuwaasoo ay sabab u ahayd colaadaha u dhexeeyay kooxda Seleka ee muslimka ah oo ka tuuray xilka madaxweynihii hore ee dalkaas oo masiixi ahaa bishii March ee sannadkii 2013-kii iyo kooxda masiixiyiinta ah ee Anti-Balaka.

 

U.N. peacekeepers stand guard as the electorate queue to cast their ballots at a polling centre during the presidential election in the mainly Muslim PK-5 neighborhood in Bangui, the capital of Central African Republic, December 30, 2015.  REUTERS/Media Coulibaly
U.N. peacekeepers stand guard as the electorate queue to cast their ballots at a polling centre during the presidential election in the mainly Muslim PK-5 neighborhood in Bangui, the capital of Central African Republic, December 30, 2015. REUTERS/Media Coulibaly

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Saddex murashax ayaa la sheegayaa inay ku dhow yihiin in xilka madaxnimo ee dalkaas loo doorto, kuwaasoo kala ah; Martin Ziguele iyo Anicet Dologuele oo ka soo noqdaan dalkaas ra’iisul wasaarayaal iyo Karim Meckassoua oo isagaana soo qabtay jago wasiir.

Doorashooyinka_Afrikada_dhexe (7)

Nabad-ilaaliyeyaasha Qaramada Midoobay ee ku sugan Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa ilaaliyaha goobaha codbixintu ka dhacayso ee caasimadda Bangiu, si aysan u dhicin rabsho inta ay codeynta dadweynuhu socoto.

 

“Halkan… waxaan u imid inaan codkeyga dhiibto, markaas kaddibna aan shaqada dib ugu laabto. Midda kale ee aan doonayo in dalkeennu ka baxo colaadaha soo taagnaa muddada sannadaha ah,” ayuu yiri Gradias Vara oo ganacsade ah.

Doorashooyinka_Afrikada_dhexe (8)

Degmooyin ay ka mid tahay PK5 ayaan weli codbixintu ka billlaaban, taasoo sababa looga dhintay inaan weli la gaarsiin sanaadiiqda codbixinta iyo warqadihii codadka ay ku dhiiban lahaayeen shacabka ku nool, sida ay baahisay AFP.

 

Magaalada Bangui ee caasimadda u ah Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa la sheegay inay shcab badan u soo baxeen doorashada, kuwaasoo qaarkood warbaahinta u sheegay in ay doonayaan in dalkoodu uu ka baxo colaaddii dhowrkii sano ee lasoo dhaafay u dhexeysa muslimiinta iyo masiixiiyiinta oo dhiig badan uu ku daatay.

Doorashooyinka_Afrikada_dhexe (6)

Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa waxaa ku sugan 11,000 oo askari oo Qaramada Midoobay ka socda oo uu hoggaaminayo Jen. Bala Keita oo ballanqaaday inay ilaalinayaan goobaha codbixinta doorashada, si doorashadu ay ugu dhacdo si nabadgalyo ah.

 

Ugu dambeyn, doorashadan ayaa waxaa loo diiwaan-geliyay inay codadkooda ka dhiibtaan 1.8-milyan qof, kuwaasoo ka mid ah Shanta Milyan ee ruux ee dalkaas ku nool, iyadoo Hal milayn oo ka mid ah shacabka dalkaas ay colaadii ka dhacay ka cararay.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here