Hargeysa, (HargeisaPress) โMadaxweynuhu wuxuu u baydhay arrimaha ka dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi โWaxan la midawnay Soomaaliya July 01-1960kii, waxayse noqotay midnimo shaqayn wayday, waanu xisaabtanay shacbi ahaan, waxanan soo ceshanay madaxbanaanidayadii 18, May,1991kii. Waxaan ku wada jirnaa Soomaaliya Wada hadal dunidu markhaati ka tahay oo annaga naga goโan in uu sii socdo, balse ay caddaanayso marba marka ka dambaysa in uu dhinaca Soomaaliya ka gaabinaayoโ. Waxan soo jeedinaynaa inay wada hadaladan ka hawlgalaan dhexdhexaadiyeyaal badan oo ay ka mid yihiin midawga Yurub, siiba dalkiina Finland, si ay wada hadaladaasi u noqdaan kuwo midho dhala.
Ugu dambayn madaxweynuhu waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday weedho ku saabsan geeddiga dumuqraadiyada dalka โWaddankayagu dhinaca dumuqraadiyadu geeddi fiican ayuu guuray. Bishan gudeheeda ayaa gobolkii ugu dambeeyey ay ka hirgelaysaa diiwaangelinta codbixiyeyaashu. Waxaa naga goโan doorasho qabsoonta bisha March 2017, oo hawleheeduna marayaan gebegebo.โ
Dhinaceeda safiiradu, Tarja Fernandez waxay si weyn ugu mahadnaqday soo dhawaynta ay kala kulantay shacbiga iyo xukuumada Somaliland, iyadoo intaa ku dartay inay ka warranto, hayโadaha dawladda ee ay ilaa hadda la kulantay iyo kuwa ay la kulmi doonto inta ay dalka ku sugan tahay.
Waxay safiiradu ku dheeraatay kaalmada dhinaca caafimaadka ee Finland siiso Somaliland, waxaanay tidhi โMadaxweyne, Waad ku mahadsan tahay soo dhawaynta. Runtii waan jeclaystay Somaliland, iyo sida wanaagsan ee ay hawluhu idiinku socdaan. Waxaan dalka horeba uga qaban jirnay hawlo dhinaca caafimaadka ah oo ay nagaga wakiil ahaayeen khuburo caafimaad oo annaga ah, oo halkan ka hawlgeleyey. Tii ayaan imika kormeeraynaa, isla markaana aanu sahaminaynaa si aanu u sii xoojinnoโ.
Hadalka haweenayda safiirada ah waxa ku cusbaa inay dawlada Finland doonayso inay qashinka ka dhaliyaan tamar ay ka mid tahay korantadu, taasoo ay sheegtay inay noqotay wakhti xaadirkan cilmi caan baxay, kana suurtawdo in laga hirgeliyo Somaliland. โWaxaan wadnaa qorshe ah in qashinka laga dhaliyo tamar taasoo ka suurtoobi karta dalkiinna, sahaminteediina aanu wadnoโ.
Waxay intaasi raacisay inay ka hadasho doorashooyinka Somaliland, waxanay tidhi โWaan soo dhawaynaynaa sida fiican ee hawlaha diyaar garawga doorashu uga socdaan dalka. Waxanan jecelnahay inaad sii guntataan, oo aad xaqiijisaan qabsoomida doorashada waa laydin eegayaayeโ. Waxa iyaguna hadalka ku darsaday wasiirada kulanka ka qaybgalay iyo haweenayda kale ee wehelisay safiirada, iyagoo markii shirku soo dhamaadayna ay wada jir warbaahinta ula hadleen, wasiirka khaarajiga Somaliland iyo haweenayda Safiirada ah.
HargeisaPress News Desk โ Hargeysa
Follow us on Instagram:ย @Hargeisapress
Follow us on Twitter: @HargeisaP




















