“Laba qorri magaaladda kama wada shaqayn karaan”…

0
603

Laascaanood (HP): Taliska booliska ee qaybta gobolka Sool  ayaa maanta soo bandhigay hub isugu jiray Qoryo, Baastoolado, mindiyo iyo Khamri ay ka soo qabteen gudaha magaaladda Laascaanood.

Kulan ay magaaladda Laascaanood ku yeesheen taliska booliska Sool iyo laamaha amniga gobolkaasi oo la isaga xog waraysanayay xaaladaha amniga ayaa hubkaasi iyo maandooriyaha ayaana lagu soo bandhigay.

Waxaana kulankaasi is xog waraysiga ah lagaga hadlay hawl-galo ay labadii bilood ee u danbeeyay boolisku ka fulinayeen magaaladda Laascaanood iyo waxyaabihii ay ku soo qabteen.

Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sool gaashaanle sare Axmed C/laahi Cabdi, ayaa ka warbixiyay tallaabooyinkii ay qaadeen iyo waxyaabaha uga hirgalay.

Waxaanu taliyuhu si gaara uga hadlay laba arrimood oo kala ah muranak dhinaca dhulka iyo qaadashadda hubka sharci darrada ah.

Gaashaanle sare Axmed C/laahi Cabdi, ayaa dadweynaha shacabka ah uag digay in ay mamnuuc tahay in hubka sharci darrada ah lagu dhex qaato gudaha magaaladda, isla markaana tallaabo laga qaadi doono cid kastoo hawshaa lagu qabto.
Dhinaca kale, taliyuhu waxa uu ka hadlay dil todobaadkii hore ka dhacay magaaladda Laascaanood oo ka dhashay muran dhinaca dhulka ah oo laba qolo dhex amray, kaasoo uu hal qof ku geeriyooday laba kalena ku dhaawacmeen.

Taliyuhu waxa uu sheegay in ay ciidamadu gacanta ku soo dhigeen dadka falkaasi ka danbeeyay iyo hubki ay wateenba, isla markaana sharciga la hor gayn doono.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here