Golaha Wakiilada oo Ansixiyay Xeerka Shaqaalaha Rayidka

0
878

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyey xeerka Shaqalaha Rayidka ah, Xeer Lr-31/2020.

Xeerkan ay Xildhibaanada golaha Wakiiladu ansixiyeen ayaa lagu sameeyay kaabis iyo wax ka bedel.

Fadhiga waxa shir-gudoominayay Guddoomiyaha Golahaasi Baashe Maxamed Faarax, waxaana in la ansixiyo xeerka shaqaalaha Rayidka ah ee Xeer Lr-31/2020, ogolaaday 43, mudane, 9, mudane ayaa ka aamusay, iyaoo guddoomiyuhuna aanu codayn sidaasina waxa ku ansaxay Xeerka shaqaalaha Rayidka ah ee Lr-31/2020.

Dhinaca kale, Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Jaamac (C/raxmaan Xoog) ayaa sheegay in xeerkani ahmiyad weyn u leeyahay shaqaalaha iyo Qaranka waxaanu xusay in xeerkani ilaalinaayo xuquuqda shaqaalaha Rayidka ah, isaga oo qeexaya waajibaadka loo shaqeeyaha iyo shaqaalaha, iyada oo xeerkani muhiim u yahay bed qabka shaqada iyo shaqaalaha isla markaana ogolaanaya in dalka laga furo ururo metela shaqaalaha Rayidka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here