Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Ka Waramay Xaaladiisa Caafimaad

0
1345

Hargeisa (Hargeisa Press) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka waramay xaaladiisa caafimaad, kadib markii afar maalmood kohor laga helay xanuunka Covid-19.

Waxaa uu madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu sheegay in xaaladiisa caafimaad hada wanaagsan tahay.

Madaxweyne Ku xigeenka  Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo u warramay Wakaaladda Wararka dowladda Somaliland ee SOLNA, ayaa sheegay in Sabtidii toddobaadkan laga helay COVID 19, isla markaana uu  dareemayo  calaamado la mid ah kuwa durayga, waxaanu xusay inuu  gurigiisa isku karantiilay.

Bulshada Somaliland ayuu Madaxweyne ku xigeenku u soo jeediyey inay iska baadhaan xannuunka Coronavirus, qofkii dareema calaamadaha xannuunkaasina uu xili hore isa iska ilaaliyo qoyska iyo dadka  kale ee la shaqeeya.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu xaqiijiyey inuu Telefoonka ku fulinayo wixii shaqo ah ee u yaalla xafiiskiisa, waxaanu tilmaamay in bulshada reer Somaliland looga baahan yahay inay ka feejignaadaan xanuunka COVID-19 oo ay raacaan tallooyinka ay soo saarto Wasaaradda Caafimaadku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here