Laascaanood: Weerar Dad Lagu Laayey iyo Koranto Waxyeelo Nafeed Geysatey

0
643

Laascaanood (Hargeisa Press)- Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in Dabley hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan ay xalay duleedka bangiga magaalada Laascaanood ku dileen laba qof.

Dableydan oo falka fuliyey xili socodka dadka uu yaraa roobna qaaday ayaa rasaas ku weeraray labada nin oo mid ka mid ah uu halkii ku dhintay kii kalena isbitaalka la geeyey dhakhaartiirtuna ay sheegeen in ay xaaladiisu adagtahay halka dadka qaarkoodna ay sheegayaan inuu dhintay xili danbe.

Lama garanayo sababta falkan ka danbaysey waxaase warar hordhac ah oo aan la xaqiijin Karin sheegayaan in ninka dhintay ay maalinimadii islaayeen nin ay ka wada tirsanaayeen ciidanka Asluubta, sababta malahan keentay ayaa dad arkay ninka falka geystey in uu sitey direyka ciidankaas.

Illaa hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka Amaanka Somaliland ee Laascaanood ma jiraan waxaase ay kuu sheegayaan in ay baadhitaan wadaan oo ay hawsha dhacday ka hadli doonaan.

Dhinaca kale, roob ka da’ay magaalada laascaanood ayaa galaaftay nin dadka baralaawaha ah oo ka soo jeeda dalka Itoobiya ka dib markii uu qabsaday bir danabaysan.

Goobtan oo ku taala badhtamaha magaalada Laascaanood ayaa ah goobihii cagafyada dawlada Hoose ay ka baabiiyeen dhismayaasha dhowaan waxaana loo aanaynayaa in waayin ka hadhey sababay dhimashada maadaama aanu roobka da’ay aanu ahayn mid weyn, dabaylna wadan.

 

Hargeisa Press.com/Laascaanood Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here