“Aragga Madaxweynaha Ayaa Lagu Dhergayaa, Reer Togdheer-na Waa U Farxaddii Ifka..” Wasiir Shukri Baandare

0
690

Burco (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miiga Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa sheegtay in Dadweynaha reer Burco ku farxeen booqashada Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee Magaalada Burco.

Wasiirka deegaanka Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa hadalkaasi ka sheegtay mid kamida goobo uu Madaxweyne Biixi xadhigga ka jarayay.

“Madaxweynihii baa idiin yimid, Togdheerna Maanta way faraxsan tahay, Togdheer way u dhamaatay, farxaddii ifka weeyaan, kii cadhoonayey markuu araggiisii arkay ayay dageen.” ayay tidhi Wasiirka deegaanku.

Dhinaca kale, Wasiir Shugri Baandare ayaa sheegtay in haddii uu Madaxweynaha Somaliland Maanta tago Ceerigaabo aanu jiri doonin Qof hadlaya iyo Qof is dhaqaajinayaaba oo Araggiisa oo lagu wada dhergayo.

“Markii Araggii Madaxweynaha arkeen ayay kala wada dageen, Aragga ayay ku bogsanaysaa, hadduu Maanta tago Ceerigaabo Qof hadlaya iyo Qof is dhaqaajinaya ma jirayo, Araggiisa ayaa lagu wada dhergayaa.”

 

Hargeisa Press.com/Burco Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here