Jawaar Maxamed oo Cuntada Ka Soomay

0
1161
Jawaar Maxamed
Jawaar Maxamed

Addis Ababa (Hargeisa Press) β€” Mid ka mid ah qareennada Jawaar Maxamed, oo lagu magacaabo Maxamed Jimma, ayaa sheegay in Jawaar oo hadda ku jira gadood cunto ka soomid ah aanu maanta la hadli karin warbaahinta.

Laanta la dagaallanka argagixisada ee maxkamadda sare ee federaalka Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay dhageystaan markhaati furka 24 ruux oo wax laga weydiinayo kiiska Jawaar Maxamed.

Jawaar Maxamed, Bekele Gerba, Hamza Adane iyo Shemsadi Taha, ayaa dhammaantoodba maanta ku jiray gadood cunto ka soomid ah.

Qareenka Jawaar ayaa sheegay in isaga iyo Bekele ay cuntada diidayeen muddo siddeed maalmood ah.

Maxkamadda ayaa oggolaatay in ay arkaan dhakhtar gaar ah oo aan ahayn dhakhaatiirta dowladda.

Markii la weydiiyay sida ay tahay xaaladda caafimaad ee Jawaar, ayuu Maxamed Jimma yidhi: “Si shakhsi ahaan ah waxaan u dareemay in Jawaar ay baahida si gaar ah u saameysay. Aad bay u daciifeen mana hadli karaan. Aad bay u xanuunsan yihiin.”

Siyaasiyiintan ayaa gadoodka cunto ka soomidda ah sameeyay si ay uga mudaharaadaan xadhigooda iyo sida warbaahinta loogu diiday inay xogtooda helaan, sida sheegay qareen kale oo lagu magacaabo Tuli Baysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here