Mareykanka oo Joojiyay Taageerradii Uu Siin Jiray Yemen

0
831
Joe Biden
Joe Biden

Washington (Hargeisa Press) β€” Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Mareykanku uu joojinayo taageeradii uu u fidinayay dagaalka uu hogaaminayo Sacuudiga ee Yemen, laakiin wuxuu intaa ku daray in Washington ay sii wadi doonto ka caawinta Riyadh difaaca qaranimadeeda iyo dhulkeeda.

“Waa in la soo afjaro colaadda Yemen,” ayuu yidhi Madaxweyne Joe Biden oo jeediyay khudbaddiisii ugu horreysay ee ku aaddan siyaasadda arimaha dibedda ee maamulkiisa.

Sacuudi Carabiya oo ay wehliyaan xulafadiisa oo ay ku jiraan Imaaraatka Carabta (UAE), ayaa hogaaminayay dagaal ka dhan ah Yemen tan iyo bishii Maarc 2015, iyadoo ujeedku yahay in dib loogu soo celiyo dowladdii hore ee taageertay Riyaad.

Dagaalka waxaa sidoo kale weheliyay go’doomin dhan walba ah oo loogu talagalay waddanka saboolka ah, waxey dishay tobanaan kun oo Yamaniyiin ah waxayna Yeman u rogtay dhibaatada bini’aadanimo ee ugu xun adduunka.

Dagaalka u dhexeeya dowladda taagta daran ee Yemen iyo jabhadda Xuutiyiinta ayaa bilowday 2014, waxaana uu sii xoogeystay sanad kadib markii ay xukuumadda gacan ka heshay xulafo 9 dal oo Carab ah, uuna hogaaminayo Sacuudiga, taageerana ka helaya Maraykanka, UK iyo Faransiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here