Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Dugsiyada Dhaxe oo La Soo Gabagabeeyay

0
1415

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasaarada waxbarashada Somaliland, ayaa sheegtay in maanta la soo gabagabeeyay Imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee fasalka 8aad ee Dugsiyada dhexe ee dalka Somaliland.

Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada iyo sayniska Somaliland Axmed Xasan Nuur oo uu weheliyo guddoomiye ku xigeenka Xafiiska Imtixaanaadka qaranka Xasan Muxumed Qaliinle oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa ka warbixiyay qaabkii uu ku soo idlaaday Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe.

Waxaana sidoo kale ay sheegeen in si nabad geliyo ah uu ku soo dhamaaday Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Dugsiyada dhexe.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada Somaliland Axmed Xasan Nuur, ayaa ka hadlay rabshado dhacay intii uu socday imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalka 8aad, iyagoona sheegay in rabshadahaasi ay dhexmareen Arday ka kala tirsan laba iskuul oo garoon kubadeed ku coloobay ay is-tuuryeeyeen, islamarkaana ay arintaasi xaliyeen.

β€œIntii imtixaanku socday, waxaa jirtay dhibaato dhacday, dhibaataduna may badnayn, waxaanay ahayd laba arday oo isyara tuur tuuray oo garoon ku coloobay, arintaana waanu xalinay, ciidamada amniga ayaana nagala shaqeeyay”. Ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Axmed Xasan Nuur.

Geesta kale, Guddoomiye ku xigeenka xafiiska Imtixaanaadka qaranka Somaliland Xasan Muxumed Qaliinle, ayaa isna geestiisa ka hadlay cabasho laga muujiyay imtixaanaadka shahaadiga ahi intii uu socday.

β€œWaxaa jirtay cabasho na soo gaadhay oo aan badnayn, cabashadaasina waxaanu dhigaynaa halkeeda oo siday tahay ayaanu u xalinaynaa una dhamaynaynaa baadhis kadib wixii noo soo baxa”. Ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka Xafiiska Imtixaanaadka qaranka Xasan Muxumed Qaliinle.

Ardayda fasallada 8aad ee Dugsiyada Dhexe ee Somaliland imtixaanka u fadhiistay, ayaa waxaa ay tiradoodu ahayd 21,148 Arday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here