Telefiishanka KTN oo Warbixin Ku Faalleeyay Qaangaadhnimada Dimuqraadiyadda Somaliland

0
1744

Nairobi (Hargeisa Press) – Telefiishanka KTN ee dalka Kenya, ayaa waxaa uu warbixin ku faalleeyay Qaangaadhnimada Dimuqraadiyadda Somaliland.

Waxaanu tilmaamay inay Somaliland ay ka qabsoontay  31-kii May 2021kii Doorashooyinkii Wakiillada iyo Deegaannada oo si hufan u dhacay uga dhacay Somaliland.

Telefishanka KTN, ayaa sheegay in ammaanka ka jira Somaliland uu sababay in dahabka iyo sarrifka lacagaha lagu iibiyo shaaricyada magaalooyinka Somaliland.

Ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa u sheegay Telefishanka KTN, inay Somaliland fulisay dhammaan shuruudaha looga baahan yahay Qaran madax-bannaan, sida dawladnimo shaqeynaysa, Calan, Lacag iyo Baasaboor.

Wasiir Liibaan Yuusuf wuxuu sheegay inay Somaliland hirgelisay Nabadgelyo cago adag ku taagan iyo dawladnimo ay iyadu samaysatay oo uga baahan adduunyada in lagu abaalmariyo guulaha ay gaadhay.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in miisaaniyadda Somaliland ay tahay mid isku dheelitiran kharash iyo dakhliba, waxaanu intaas ku daray in aanay Somaliland wax kab miisaaniyadeed ah aanay ka helin baananka caalamiga ah, Qarammada Midoobay iyo dalalka qaadhaan-bixiyeyaasha ah.

Wasiir Sacad wuxuu sheegay in maamushaan oo ay Somaliland wax ku qabsato dakhliga soo gala oo kaliya.

Telefishanka KTN waxa kaloo uu soo xigtay Maxamed Maxamuud (Barawaani) oo ka mid ah Ururrada bulshada rayidka ah, ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in aqoonsiga kor hor ay Somaliland kobciso dhaqaalaha, Kaabeyaasha dhaqaalaha iyo Waxbarashada. Waxa kaloo uu intaas ku daray inay Somaliland leedahay shirkado gaar loo leeyahay oo xoog leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here