Waa Cusub oo U Billowday Turkiga iyo Mareykanka

0
651
Recep Tayyip Erdogan iyo Joe Biden
Recep Tayyip Erdogan iyo Joe Biden

Ankara (Hargeisa Press) โ€“ Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa Isniintii sheegay in Turkiga iyo Mareykanka ay gelayaan โ€œwaa cusubโ€ oo xidhiidhkooda ah, kadib markii xidhiidhka xulufadan NATO uu sanadihii dhowaa u xumaaday arrimo dhowr ah.

Erdogan oo ka hadlayay kulanka Golaha Wasiirada, ayaa waxa uu ugu baaqay Mareykanka inay xushmeeyaan xuquuqda madax-banaani ee Turkiga, iyada oo ay u muuqato inuu ula jeedo goโ€™aanka ay ku soo iibsatay gantaallada Ruushka.

Erdogan, ayaa hadalkan jeediyay maalmo kadib markii uu kulankiisii ugu horreeyey ee weji-ka-weji ah la yeeshay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden tan iyo markii uu xafiiska yimid. Labada nin, oo muddo isgaranayay, ayaa ku doc kulmay shir madaxeedkii NATO ee Brussels.

โ€œWaxaan aaminsannahay inaan xallin doonno arrimaha dhibaatada leh ee inoo dhaxeeya, iyada oo lagu saleynayo filashooyinka iyo dareenada labada dhinac,โ€ ayuu yidhi Erdogan.โ€œWaxaan isku racanay inaanay jirin arrimo aynaan ka gudbi karin, islamarkaana arrimaha aan iska kaashan karno ay ballaadhan yihiin oo ay faaโ€™iido badan yihiin.โ€

Erdogan, ayaa wada-hadalladii uu la yeeshay Biden ku qeexay kuwa dhameystiran oo midho-dhal ah, wuxuuna sheegay in labadooda ay isku raaceen inay mar kale kulmaan.

โ€œWaxaan aaminsanahay inaan albaabada u furnay waa cusub oo ku saleysan niyad wanaag iyo wax dhis,โ€ ayuu yidhi madaxweynaha Turkiga.

Erdogan ayaa yidhi โ€œDalabka kaliya ee Turkiga waa in la ixtiraamaa xuquuqdeeda madax-banaani ee dhaqaale, lagana taageeraa halganka ay kula jirto ururada argagixisada ah ee ku sugan gudaha iyo dibedda xuduudaheeda.โ€

AP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here