Hargeysa: Dowladda Kuwait oo Caawimo U Qaybisay Qoysas Danyar Ah

0
646

Hargeysa (Hargeisa Press)- Dowladda Kuwait, ayaa maanta waxaa ay caawimo Hilib ah u qaybisay qoysas danyar ah oo ku nool xaafadda Daami ee degmadda Libaax, ee caasimadda Hargeysa.

Caawimaddan oo loogu tallo galay munaasibadda Ciidul Adxa Awgeed, ayaa la gaadhsiiyay qoysas ay tiradoodu dhamayd 500, oo qoys.

Waxaana qaybinta caawimadaasi ka qayb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Mahdi Cismaan Buuri iyo masuuliyiin ka socday hay’adda caawimadda u qaabilsan dowladda Kuwait.

Ugu horayn waxaa munaasibada deeqda hadal ka jeediyay wakiil ka socday dowladda Kuwait, waxaanu sheegay inay deeqdan ugu talo galeen qoysaska danyarta ah ee xaafada Daami ku nool.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Mahdi Cismaan Buuri oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa u mahadnaqay dowladda Kuwait, isagoona sheegay in deeqdani wax badan ka tarayso nolosha dadka ku nool xaafada Daami.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here