Baarlamaanka Ingiriiska oo La Horgeeyay Qadiyadda Somaliland

0
3334

London (Hargeisa Press)- Xarunta baarlamaanka ee dalka Ingiriiska, ayaa waxaa lagu qabtay munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo lagaga hadlay qadiyadda madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen safiirka Somaliland ee Ingiriiska Cabdi Cabdillahi Diiriye (Dayax-weerar) iyo hawlwadeenada safaarada Somaliland, ayaa waxaa soo abaabalay urur u dooda qadiyada madaxbanaanida Somaliland oo lagu magacaabo UK Somaliland Alliance.

La-taliyaha golaha Guurtida Somaliland Marwo Faadumo Siciid oo ka mid ahayd Masuuliyiin kala duwan oo hadalo ka jeediyay munaasibadaasi, ayaa sheegtay in kulanka baarlamaanka Ingiriisku la xidhiidhay aqoonsiga Somaliland iyo mooshinka July la horgayn doono baarlamaanka Ingiriiska.

Waxaa kale oo kulanka hadalo ka jeediyay Safiirka Somaliland ee Ingiriiska Cabdi Cabdillahi Diiriye ( Dayaxweerar), isagoona sheegay in qadiyada Somaliland lagaga dooday kulanka, oo goobjoog ahaayeen Xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan Ingiriiska oo taageera qadiyada madaxbanaanida Somaliland.

Xubin u hadashay ururka UK Somaliland Alliance, ayaa asheegay inay kulan la yeesheen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliland kaasi oo la xidhiidha qadiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Kulanka baarlamaanka Ingiriiska ayay sidoo kale goobjoog ahaayeen dublamaasiyiin taageera qadiyada madaxbanaanida Somaliland, kuwaasi oo ka kala socday dalalka Mareykanka, Faransiiska iyo wadammo kale oo caalamka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here