Hargaysa: Aqoon Is-waydaarsi Ku Saabsan Xuquuqul iinsaanka iyo Xoriyadda Saxaafadda

0
438

Hargaysa (HP): Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Wakiiladda Somaliland Cali Xaamud Jibriil, ayaa maanta magaaladda Hargaysa ka furay Aqoon is-waydaarsi ku saabsan Xoojinta Ilaalinta Xuquuqul iinsaanka iyo Xoriyadda Saxaafada.


Aqoon is waydaarsigaasi oo ay iska kaashanayeen Ururdada ku bohoobay dimoqraadiyada Somaliland ee (Somaliland Democracy coalition) ayaa ka furmay Xarunta dhaqanka ee magaaladda Hargaysa.
Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee gollaha Wakiilada Cali Xaamud Jibril, xubno ka tirsan xildhibaanadda golaha Wakiilada Somaliland.


Madax ka kala socotay Ururada IPRT, HRC, HCC, agaasimaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Ismaaciil Axmed Ismaaciil, iyo suxufiyiin ka kala tirsan qaybaha kala duwan ee warbaahinta.


Aqoon is waydaarsigani oo socon doona muddo afar maalmood ah ayaa mudadda uu socdo waxaa lagaga doodi doonaa arrimo la xidhiidha Xoojinta Ilaalinta Xuquuqul iinsaanka iyo Xoriyadda Saxaafada.
Sidoo kale waxa ay ka qayb galeyaashu ku qaadan doonaan caaharo iyo macluumaad la xidhiidha xeerarka caalamiga ah ee ku saabsan xuquuqda aadanaha iyo xoriyadda saxaafadda.

Furitaankii aqoon is waydaarsigaasi ayaa masuuliyiintii kala duwanaa ee ka qayb galay waxay ka jeediyeen hadalo ku saabsan Xoriyadda Saxaafada iyo Xoojinta Ilaalinta Xuquuqul iinsaanka.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here