Somaliland: Barnaamij Lagu Hubinayo Casriyaynta Xogta Cod-bixiyaha

0
296

Hargaysa (HP): Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa maanta soo bandhigay barnaamij lagu hubinayo casriyaynta xogta codbixiyeyaasha.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaana daah-furay Barnaamijkaaai tijaabada hannaanka lagu hubinayo xogta cod-bixiyaha (Biometric voter verification).
Kaas oo ah qorshe Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ku casriyeynayo Diiwaangelinta cod-bixayayaasha Doorashooyinka Somaliland.


Madax katirsan xisbiga KULMIYE oo uu kamid yahay guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Axmed Cabdi Xuseen, (Axmed Cabdi-dheere), ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga Xuseen Aadan Cadde, guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Hadhiye).
Xoghayaha garabka Haweenka Heer Qaran, Marwo Sahra Saleebaan, Afhayeenka Xisbiga Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni), Xoghayaha saxaafadda Cali Jaamac Maxamed, siyaasiyiinta kala ah Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Axmed Nuur Faahiye,wasiirka wasaaradda horumarointa Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire.


Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Cabdinaasir Caydiid, masuuliyiin kale, masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka, Diblumaasiyiin ajaanib ah oo uu kamid yahay safiirka Dalka Taiwan u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland iyo marti-sharaf kale ayaa goob joog ka ahaa daah-furka Barnaamujkan.
Waxaana halkaas lagu sameeyey Diiwaangelin tijaabo ah oo lagu qiimaynayey qaabka uu u shaqaynayo nidaamkan casriga ahi.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here