Gabiley (HP): Siyaasi Maxamed C/laahi Jaamac (Bookh), oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ha ee Waddani ayaa xalay ay ciidamadda booliska Gabiley xidheen.
Waxaanay siyaasi Bookh, booliska xalay saqdii dhexe ka soo qabteen isagoo ku sugnaa meheradiisa ganacsi ee uu ku leeyahay magaaladda Gabiley.
Sida ay noo xaqiijiyeen dad xog ogool u ahaa dhacdadaasi oo ku sugan magaaladda Gabiley, oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.
Xadhiga siyaasi Maxamed Bookh, waxaa canbaareeyay xoghayaha Ganacsiga, Dalxiiska iyo Wershadaha ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xamse Cabdiraxmaan Khayre.
Waxaanu sheegay Xamse Khayre, in xadhiga masuulkan ka tirsan xisbiga Waddani ay ka danbeeyaan xubno ka tirsan xisbiga Kulmiye, isla markaana culaysyada la saaray siyaasi Bookh ganacsigiisa.
Sidoo kalena ay mudooyinkan ba soo muuqatay in hagar-daamooyinka lagu hayay siyaasi Bookh, iyadoona dad badan oo ehelkiisa oo shaqooyinka dawlada ka hayay laga eryay iyo xag-xagasho kaleba waa ku socotay in muddo ah.
xoghayaha Ganacsiga, Dalxiiska iyo Wershadaha ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xamse Cabdiraxmaan Khayre, oo arrinta xadhiga siyaasi Bookh ka hadlayay waxa uu yidhi, “Waxaan ereyadda ugu adag ku cambaaraynayaa xadhiga sharciga baal marsan ee sidii taliskii Siyaad Siyaad Bare xalay saqdii dhexe lagula kula kacay isagoo ku sugan meheradiisa Gabiley, Ganacsade- Siyaasi Maxamed Cabdillaahi Jaamac (Bookh).
Waxaa dhawaan dhacday in Booyad shiidaal oo Kaalintiisu leedahay si badheedha xukuumaddu u qabsatay walow markii dambe la sii daayay dedaal dheer kadib.
Masuulkan ka tirsan Xisbiga rejada Shacabka, culaysyada la saaray Ganacsigiisa, dad badan oo ehelkiisa oo shaqooyinka dawlada laga eryay iyo xag-xagasho kaleba waa ku socotay in muddo ah.
Runtii anigu xadhigiisa waan filayay (isna waan u sheegay inuu fisho) inuu imanayo kadib ergooyin iyo kulan uu madaxwaynuhu la yeeshay oo ugu kaga dalbaday inuu la shaqeeyo balse uu ka cudurdaartay iyo balamo dambe oo uu ka baaqsaday inuu ajiibo”.
“Arrimo masiiri ah oo deegaanka-naga ah iyo sida Madaxtooyaddu gaboodka ugu noqotay musuq wayn ooo malaayiin doolar oo cashuurta degmada lagu lunsaday, Gobolnimadda Gobolka Gabiley, qorshaha xidhista marin-ganacsiyeedka Kalabaydh ee Madaxwaynuhu gacanta ku hayo, iyo kala qaybin bulshada walaalaha ayuu Mahamed Abdilahi Bookh si aan gabasho iyo habrasho toona lahayn farta ugu saaray madaxwaynaa muddo dhowr bilood ah ka hor.
Hadda halkaa u dhaafi maayo, waxaanse balan ah inaan idinla wadaagi doono wixii dhex maray haddii ay ka fursan waydo. Waxaan ugu baaqayaa xukuumaddu iney u soo celiso xorriyadiisa sida ugu dhakhsaha badan”.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.