Gudoomiyaha ururka Now ee Gobolka Gabiley oo komishanka qaranka Ugu baaqdey in loo kordhiyo mudada diiwangalinta

0
1076

GABILEY , (HargeisaPress) — Gudoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Now ee Gobolka Gabiley Haweeya Cabdi Kahin ayaa cod dheer ugu baaqdey xubnaha komishanka qaranka somiland in mudada isdiiwangalinta loo kordhiyo madaama oo gabalkani ay ka jireen oo laba arimood oo isa saran sida aabaro baahsani oo gobalka ka jirey iyo wacyi galinta komishankani ee shaqaynayey gobalkani gabiley oo ahayd mid sidii loo baahna uwacyi galin tuulooyinka iyo deegamada hoos yimaada gobalka maadama oo labadaas xaaladood uu gobalkani ku jirey in loo baahan yahay mudo korodhsiimo iyo la goobaha laga tagayo hadhaw loo badiyo madaama oo gobalkani aad ubalaadhanyahay dad iyo deeganba ah.

 

Hadaba gudoomiyaha ururka now iyo bulshada haweenka reer gabiley ayaaa  sidoo kale ku baaqey muddo korodhsiimo  kana codsadey komishanka qaranka in hoos loo eego baahiyaha abaareed  ee uu gobalkani la tacalayey intii ay socotey qaadashada kaadhka codaynta ee muwaadinka xaqa uleeyahay inuu qaato iyo in la dhamaystirin wacyi galintii gobalkani tuulooyinka iyo deegamadu xaqa ulahayeen oo uguuray deegamo kale isla markaana tahay in goobaha loo badiyo hadhaw laga tagayo.

 

Hadaba waxa iyuguna saamayn aad uwayn ay ku reebtey tani bulshada kale ee reer gabiley cuqaasha waxgaradka odayaasha  haween waynaha iyo dhalinyartaba oo goobaha la iskugu yimaado ee lagu falanqeeyo arimaha siyaasada ee gobalkani waxay aad uhadal hayaan xaalada gobalka iyo in loo baahanyahay in komishanka qaranka Somaliland ay qasab ku tahay in loo kordhiyo isdiiwangalinta ooo horena ugua hadley imikana usheegayaa cida ay shaqadooda tahay ee ah komishanka qaranka oo codheer ku yidhi fariinta ay gudbinayaana ku sheegay in aabaro baahsani gobalkani la daalo dhacayey oo dadka kaadhka qaadan lahaaba abaaro darted uguurey meelo kale oo lasoo daad guarynayey.

 

Hadaba gudoomiyaha ururka now ayaa horena uga hadashey imikana ka hadleysa arimahan is dabayaala ee ay ugu horeyso kordhinta mudada isdiiwangalinta  oo ay xaq ulahayeen loona kordhiyey gobalada kale ee ay isku mid ka yihiin gobalkani aad ubaaldhan ee gabiley.

 

 

Abdikareem Mahamed Aw,Aadan — HargeisaPress — Gabiley

Email:  wacay28@hotmail.Com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here