Djibouti oo qiratay inay ku Xadgudubtay Gudaha Biyaha Somaliland xaala ka bixisay iyo labada dawladood oo ka heshiiyey shaqaaqadi askarigu ku dhintay.

0
846

Djibouti , (HargeisaPress) —Shirar googoosa  oo muddo   sadex cisho  ah  qaatay  oo  la iskugu  gar  dhiganayey  kadib  waxaa labada dawladood ee Somaliland iyo  Jabuuti  ay  maanta isla qaateen  heshiis laba  dhinaca  kaasi  oo  dawlada jabuuti  ku  qiratay  khaladkeedee gardarada ahaa ee ay  ku  qaaday  ciidamada  badda Somaliland  oo  ku  sugan  xuduuda badooda.

 

Dawlada jabuutii  oo  hore u  dafirtay  inay   gaf ka  gashay  Somaliland ayaa  kadib  markii  la isla eegay  halka  ay  ku  weerareen ciidamada somalilan  ayaa  ay  qirteen  inay  ku  xad gudbeen  biyaha Somaliland .

 

Sidoo  kale dawlada  jabuuti waxaa ay  dhabarka u  ridatay   dhimashadii  iyo  dhamaanba khasaarihii  halkaasi  ka dhashay  iyada oo  xaalna kabixisay  xad gudubka ay  ku  kaceen ciidamadoodu.

dji som

 

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland  mudane  cali  warancadde  oo  hogaaminaya  waftida  dhinaca Somaliland ka socota  ayaa si  adag  ula hadlay   masuuliyiinta dawlada jabuuti  intii ay   socdeen  shirar doceedyada garnaqsigu.

 

Shirkan   heshiiska  labada  dhinac ayaa maanta ka  qabsoomay  xarrunta ciidanka bada  ee Jabuuti   halkaasi  oo dawlada jabuuti   uu  matalayey   wasiirka  kaluumaysida  maxamed Somali  iyo  taliyaha ciidamada bada  cabdiraxmaan  shiir.

kakakka

Dhinaca Somaliland-na waxaa  hogaaminaayey Wasiirka

 

Arrimah gudaha  mudane cali  maxamed warancadde, wasiirka kalluumaysida   cali buured taliyaha ciidamada badda maxamed xuseen xiirane   safiirka Somaliland u  fadhiyada jabuuti  afayeenka wasaarada arrimaha gudaha iyo  taliyaha  aaga  galbeed ee ciidamada badda.

dji and som

Shirkani  oo  warbaahintu  dabada ka jiigtay  ayaa markii  uu  soo  dhamaaday waxaa warbaahinta la hadlay  wasiirka arrimaha gudaha Somaliland mudane  cali warancade ,wasiirada  Kalluumaysida  ee jabuti  iyo Somaliland

 

Waxaana  heshiiska  ka sokow ay  sheegen  in  la  samayn doono  guddi  laba  dhinaca  oo  ka shaqayn doonta  xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada dal.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here