Guddoomiyaha Guurtida Somaliland oo Ka Hadley Booqasho La Sheegay Inay Farmaajo iyo Abiy Ahmed Ku Imanayaan Hargeysa

0
589

Hargeisa (Hargeisa Press)–  Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed uu xukuumada Somaliland ku cadaadinayo in isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya wada yimaadaan magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Saleeaan ayaa tilmaamay in xukuumadda ay iska diiday dalabkaasi oo uu mar hore u soo gudbiyey ra’iisal wasaare Abiy, balse uu mar labaad haatan ku soo celiyey codsigaasi.

Sidoo kale, wuxuu guddoomiyuhu carabka ku dhuftay in ayna diidaneyn imaanshiyaha Farmaajo, balse laga rabo inuu noqdo nin Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Annagu waxa aannu leenahay ha noo keenin laakiin haddii uu la yimaado dee dilimayno laakiin nin Soomaaliyeed oo Abiy, la socda ha ahaado” ayuu yidhi. guddoomiyuhu.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in ra’iisal wasaare Abiy uu qorsheynayo kulan 2-aad oo dhexmara madaxweyne Muuse Biixi iyo Farmaajo, kuwaas oo todobaadkii hore ku kulmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Khamiistii ayey sidoo kale aheyd markii uu Farmaajo raalli-gelin ka siiyey shacabka Somaliland weerarkii ay dowladdii milatariga aheyd ee Maxamed ku Siyaad Bare  ku qaaday Somaliland.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here