DEG DEG: Somaliland oo Diiday Inuu Farmaajo Yimaado Hargeysa

0
965

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland ayaa Warqad Rasmi ah u dirtay Dawladda Ethiopia, taas oo ay ku muujisay in aanay Ogolayn in uu MadaxweynahaΒ  Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo yimaaddo Caasimadda Somaliland ee Hargeisa.

Warqaddaasi ayaa Nuxur ahaan loogu sheegay Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Abiy ahmed, in aanay Somaliland diyaar u ahayn in ay Hargeisa ku soo dhawayso Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. sida ay Xaqiijiyeen Ilo wareedyo Muhiim ah.

Warqadda xambaarsan mawqifka diidmada ah ee xukuumadda Somaliland, ayaa maanta la gaadhsiiyay Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Dalka Ethiopia, sida la xaqiijiyey.

Ila wareedyada, ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, uu Toddobaadkan gudihiisa Baarlamaanka la hadli doono isla-markaana uu faahfaahina ka bixin doono kulamadii uu madaxda kula yeeshay Magaalada Addis Ababa iyo dhamaalkan uu ethiopia u diray ee uu kaga hortagayo imaatinka Madaxwaynaha Soomaaliya.

Warkan ayaa soo baxay, Saacada uun ka dib markii uu soo baxay Warka sheegaya in Raysal-wasaaraha Itoobiya uu doonayo inuu Hargeysa u soo hor-kaco Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, kaasi oo ay Toddobaadkii hore kulan Magaalada Addis Ababa kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here