Faah-faahin: Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
583

Muqdisho (Hargeisa Press) – Inta la ogyahay saddex Askari oo ka mid ah Ciidamada Dawladda Soomaaliya ayaa ku dhintay Qarax Miino oo lagula beegsaday Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ka dhashay Miino lagu aasay Jidka ayaa la kacay Gaadhiga Ciidanka oo marayey Xaafadda Xoosh ee Degmada Dherkeenley ee Gobolka Banaadir ee Dalka Soomaaliya.

Wararka ka soo baxaya Qaraxan ayaa sheegaya in Qaraxa ay ku dhaawacmeen Askar ka badan kuwa ku dhintay Qaraxaasi.

Qaraxa kaddib waxaa goobta gaadhay ciidamo kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo gurmad ku fidiyay ciidamada kale ee waxyeeladu ka soo gaadhay.

Ururka Al-shabaab ayaa war ay ku daabaceen bogagga Internetka waxay ay sheegteen mas’uuliyada Qaraxa ka dhacay degmada Dherkeenley.

 

Hargeisa Press Desk/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here