Guddiga Heer Qaran Ee Waxbarashada oo Yeeshay Kulankoodii 8Aad

0
824

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddiga heer Qaran ee Waxbarashada Somaliland, ayaa waxaa ay maanta yeesheen kulankoodii 8-aad, kaas oo uu shir guddoominayay  Guddoomiyaha Guddiga Prof. Saleebaan Axmed Guuleed.

Kulankan oo bishiiba laba jeer qabsooma, ayaa lagu lafa guray ajandayaal kala duwan oo ku saabsan sidii qorshe looga yeelanlahaa horumarinta waxbarashada dalka Somaliland.

Kulankan, ayaa muddadii uu socday waxaa diirada lagu saaray meelmarinta xeer hoosaadka guddiga, kaas oo ay rayigooda ka dhiibteen xubnaha guddiga waxbarashada heer Qaran.

Waxaanay sidoo kale intaas kadib ay ansixiyeen xeer hoosaadka guddiga iyada oo ay goobjoog ahaayeen badi xubnaha guddigu.

Gaba’gabadii guddoomiyaha guddiga heer Qaran ee Waxbarashada Somaliland Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, ayaa sheegay in xeer hoosaadka guddigu uu sidaasi ku meelmaray, isla markaana la islaqaatay in ay dejiyaan qorshe saddex biloodle ah oo ay kaga qayb qaadanayaan horumarinta waxbarashada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here