Wasiir Koore oo Kulan La Qaatay Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta

0
1035

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-galinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa waxaa uu kulan balaadhan la yeeshay Agaasimeyaasha waaxaha kala duwan ee wasaaradda warfaafinta.

Kulankan, ayaa ujeedkiisu waxaa uu daaranaa sidii loo dar-dar-gelin lahaa, doorka wasaaradda Warfaafinta Somaliland uga qaadan lahayd diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto.

Kulankan, ayaa waxaa xoogga lagu saaray sidii hawl-wadeenada kala duwan ee wasaaradda warfaafintu kaalintooda uga qaadan lahaayeen wacy’gelinta iyo gaadhsiinta bulshada wararka iyo barnaamijyada la xidhiida diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa masuuliyiinta waaxyaha kala duwan ee wasaaradda warfaafinta faray in ay dar-dargeliyaan baahinta wararka iyo barnaamijyada ku saabsan diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

Waxaa lagu wadaa inay guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland in ay si rasmi ah uga bilaabmato hawasha diiwaan-gelinta codbixiyeyaashu 28-ka bishan aynu ku jirno.

Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa sidoo kale waxaa ay ku hawlan yihiin sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd diiwaan-gelintaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here