Somaliland iyo Mareykanka oo Ka Wadahadlay Iskaashiga Dhinaca Ammaanka

0
2137

Berbera (Hargeisa Press) – Taliyeyaasha ciidamada Milateriga iyo Illaalada Xeebaha Somaliland, ayaa kulan xaasi ah la qaatay Wefdi ay hoggaaminayso Taliyaha Guud ee Ciidamada Wadajirka Mareykanka ee Geeska Afrika, Haweenayda Major General Jami C.Shawley oo booqasho ku timi Somaliland.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Berbera, ayaa waxaa labada Taliye Ciidan ee Milateriga Illaalada Xeebaha ku wehelinayay Maareeyaha Dekeddaha Somaliland iyo Saraakiil kale.

Taliyeyaasha ciidamada Milateriga, Illaalada Xeebaha iyo Taliyaha Guud Ciidamada Mareykanka ee Geeska Afrika, ayaa waxaa ay kulankooda kaga wadahadleen iskaashiga ammaanka ee labada dal ee Somaliland iyo Mareykanka.

Waxaa kale oo ay kulankooda kaga wadahadleen hannaankii loo diyaarin lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka ee ay wada yeelan doonaan labada wadan ee Somaliland iyo Mareykanka.

Sidoo kale, Wefdiga ay hoggaaminayso Taliyaha Guud ee Ciidamada Wadajirka ah ee Mareykanka ee Geeska Afrika, Major General Jami C.Shawley, ayaa kormeer ku tagay soona indha indheeyay casriyeynta Dekedda Berbera.

Booqashada wefdiga Ciidamada Mareykanka, ayaa ku soo beegmaya xilli Baarlamaanka Mareykanku dhawaan ansixiyeen xeerka iskaashiga Somaliland iyo Mareykanka oo xilligan dhaqangalkiisu sugayo saxeexidda Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Major General Jami C.Shawley, ayaa xilligan ah Taliyaha guud ee siyaasadda diiradda lagu saarayo La-dagaalanka argagixisada iyo siyaasadda amniga qaranka Mareykanka ee aagga hawlgallada Afrika ee taliskoodu yahay Jabuuti.

Waa booqashadii labaad ee saraalka u sareeya Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ku yimaado Jamhuuriyadda Somaliland, balse sidan oo kale, Taliyihii hore General Stephen Townsend, oo ahaa Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afrika, oo uu weheliyo Larry E. André, Jr., Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kaddib booqasho ay ku yimaadeen Somaliland, 12 April, 2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here