Golaha Guurtida oo Fariin U Diray Wasaaradda Waxbarashada

0
458

Hargeysa (HP): Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta dood ka yeeshay sidii loo horumarinlaha siyaasada waxbarashada dalka.

Fadhigii maanta ee golaga Guurtida Somaliland oo uu shir-guddoominaayey guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golahaas Siciid Jamac Cali, ayaa Mudanayaasha Golahaasi waxay dood ka yeesheen xaaladda waxbarshada ee dalka.

Waxaanay mudanayaashii doodaas ka qaybqaadanaayey ka dalbadeen wasaaradda waxbarshada iyo Sayniska Somaliland la yimaadaan talaabooyin lagu dardargalinayo waxbarashada dalka, isla markaasina Dugsiyadda Farsamadda Gacanta ay ka hirgaliyaan Gobolladda iyo Degmooyinka Dalka.

Geesta kale mudanayaasha Golahaas Guurtida Somaliland qaarkood ayaa dugsiyada gaarka loo leeyahay ka codsaday in aanay waxbarashada ka dhigin ganacsi ee ay dadka hoos u eegaan, isla markaana qiimaha lacagta Feega ee ay qaadayaan ay ka dhigaan mid bulshadu wada awoodi karto.

Dhinaca kale xildhibaanadu waxa ay soo jeediyeen in marka la qorayo carruurta iskuulka hoose in lagu xidho in uu soo marey Malcamada Qur’aanka Kariimka lagu barto, laguna imtixaano ilmahaas in uu xafidsan yahay Qur’aanka Kariimka.

Xildhibaanada golaha guurtidu soojeediyeen in ardayda wax lagu baro afkooda hooyo, si ay dalka ugu soo baxaan jiil ku hubaan aqoon.

Xildhibaan Axmed Dirir Cali ayaa soojeediyay in dugsiyada hoose dhexe xiisadaha lagu qaato lagu daro xiisad barashada Ciidamada ah.

Xildhibaan Mustafe, ayaa soojeediyay in aan ganacsi laga dhigin adeeg bixinta waxbarasho ee dalka.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here