Maalinta Naafadda Adduunka Oo Magaaladda Hargaysa Laga Xusay

0
266

Hargeysa (HP): Sanad kasta 3-da December, waa maalin loo asteeyay xuska maalinta Naafadda Adduunka, kaasi oo laga xuso dhammaan daafaha caalamka.

Xafladan lagu xusayay maalinta Naafadda adduunka oo maanta ka qabsoontay magaaladda Hargaysa waxaa ka qayb galay xubno ka mid ah golaha wasiirrada Somaliland.

Sidoo kale waxaa xafladaasi ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday haayadaha caalamiga ah ee dalka ka hawl galla, Agaasimayaal guud, iyo bulsho badan oo Naafo ah.

Munaasibada loo qabtay xuska maalintan, waxa ka soo qayb galay, wasiiradda wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha gudaha, cadaalada, diinta, wasiir ku xigeeno, agaasimayaal guud, dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo marti Sharaf kale.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in siyaasada xisbiga KULMIYE ay qayb ka tahay sidii adeegbixinta kala duwan ee dadka naafada ah looga shaqaynlahaa.

Waxaanu yidhi “Siyaasada xukuumadda talada dalka haysa ayaa ah in dadka baahiyaha gaarka ah qaba dadka lala simo, isla markaana takoorka laga daayo, oo maalinba inta tamarteenu tahay aynu socono, haday iskuulada tahay, jaamacadaha iyo hawlaha kale waa xilligii madaxweynihii hore ee Siilaanyo ayaynu soo bilownay, maantana meel fiican ayaynu marayna”.

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland Cali Cumar Maxamed Xoor Xoor, ayaa sheegay ka wasaarad ahaan inay ka go’an tahay sidii ay wax ula qaban lahaayeen dadka laxaadkoodu kala dhiman yahay.

Waxaanu yidhi β€œAnaga waxa nagu waajiba intii tamartayada ah in aanu u hadalo, wixii loo soo helana sihagar la’aana aanu ugu qaybino, taakulada dadka waxa xarun u ah wasaaradda” ayuu yidhi Cali Xoor-xoor.

Geesta kale wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland Maxamed Xaaji Aadan, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland, mudnaan gaara siinayso sidii wax loogu qabanlaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Waxaanu yidhi β€œQaranku mudnaan gaara ayuu siiya dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waxaad ogtihiin kuwa siyaasada iyo xisbiga KULMIYE-ba ay sigaara ugu xuseen qorshahooda Qaran”.


Dhinaca kale wasiirka wasaaradda horumarinta caddaalada Somaliland Mudane Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa ku hanbalyeeyay guulaha iyo dadaalka ay sameeyeen dadka baahiyaha gaarka ah qabaa.

Waxaanu yidhi β€œDadka baahiyaha gaarka ah qaba ee waxbartay in ay dadka kale ee iyaguna baahiyaha gaarka ah qaba u faa’ideeyaan waa mihiim, dadka indhaha, gaha iyo laxaadkaba naafada ka ahi inay sannadahan danbe sameynayaan dadaal waanu ku boggaadinaynaa”.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here