Wasiir Toorno oo Kulan La Yeeshay Agaasime Waaxeedyadda Wasaaradiisa

0
308

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL ayaa maanta kulan is xog waraysi ah la yeeshay Agaasimayaasha Waaxaha kala duwan ee wasaaradaasi.

Wasiirka qorshaynga Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), waxaa kulankaasi ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi Mustafe Cumar Faarax.

Kulankan oo labadii maalmood u damdaysay ka socday xafiiska Wasiirka ayuu ujeedkiisu ahaa sidii loo dar dar galin lahaa shaqooyinka iyo waajibaadka ay Wasaaraddu ugu xilsaaran tahay Qaranka.

Intii uu kulanku socdayna waxay dhamaan Agaasime waaxeedyadu war bixin ka siiyeen Wasiirka iyo Agaasimaha Guud hawlaha shaqo ee socda, kuwa taagan, caqabadaha haysta iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadahaasi isla markaana loo dhamaystiri lahaa shaqooyinka taagan.


Intaasi kadibna Wasiirka WQHQ Md Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo Agaasimaha Guud Md Mustafe Cumar Faarax, ayaa dhankooda balan qaaday inay inay maamul ahaan diyaar u yihiin sidii loo dar dar gelin lahaa shaqooyinka iyo waajibaadka Wasaaradda.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here