Hargeysa,(HargeisaPress)βGaroonka Kubadda Cagta ee Degmadda Maxamed Mooge ee Foonfurta Caasimadda Hargeysa waxa si habsami ah uga socda Tartan Kubada Cagta oo 12 kooxood oo degmadaasi ka dhisan loo dhigay, tartankani oo socon doona mudo 6 Bilood ah ayaa hada mudo 2 bilooda garoonkaasi ka socda.
Tartankan Kubadda Cagta ee loo dhigay 12-kaΒ kooxood oo dhalinyarta Kubadda Cagta ee ka dhisanΒ Degmadda Maxamed Mooge ee Hargeysa loo qabtay sannadkii 2aad oo xidhiidha dhalinyarta halkaasi ku dhaqan waxa Koobkani markii 2aad u dhigay Muwaadin Cabdi MaxamuudΒ Ismaaciil (Cabdi-Shabeel) oo ka mida dadka xaafadda Maxamed Mooge ku dhaqan ganacsigana ku leh, waxaana TartankaniΒ oo mudo 6 Bilooda socon doona uu hada socda Bishii 2aad iyada oo 4 bilood ka dib Kooxda ku guulaysata 12 kooxood ee tartanka ka qaybgalay la guddoonsiin doono.
Kooxaha 12 Kooxood ka kooban ee Garoonka Maxamed Mooge ku tartamaaya horyaalka 6-da Bilood u socon doona oo todobaad kasta ay 6 kooxood fooda isku daraan maalamaha Arbacadda, Khamiista iyo Jimcaha, ayaa waxa Jimcahan inaa dhaafay kulankii u dambeeyey Fooda isku daray labada Kooxood ee kala ahΒ Kooxda Cajaayib ee ku ciyaaraysay Maaliyada (Huruuda ah iyo Kooxda kale ee HIMILO oo ku ciyaaraysay (Garamaanta Barta Caddaanka) ah leh, iyada oo todobaadka dambena uu tartanku halka ka sii socon doono kulmina doonaan 6 Kooxood oo kale oo maalmaha , Arbacadda ,Khamiista iyo Jimcaha garoonka Maxamed Mooge ku wada ciyaari doona.
Ugu dambeyntii Muwaadin Cabdi MaxamuudΒ Ismaaciil (Cabdi-Shabeel) oo isagu ah muwaadin isku xil qaamay nabadaynta iyo is dhexgalka dhalinyarta ku dhaqan Xaafadda Maxamed Mooge isla markaana ah tartankii 2aad ee kubadda Cagta oo xidhiidha u dhigayΒ bixiyeyna kharashka ku baxaaya Tartankan Kubadda Cagta ee hada Garoonka Maxamed Mooge uga socda 12-ka kooxood, waxa uu sido kale Cabdi Shabeel oo ah muwaadinkii horeΒ ugu wareejiyey qalabkiiΒ FAASHASHKA iyo Hubka kale ee ay dhalinyarta ku wada nool Xaafadda Maxamed Mooge oo kooxo kooxaha iskugu dili jireen dhexdooda adeegsan jireen isla markaana ku baadhan jireen dadka degmadaasi ku dhaqan uu QalabkaasiΒ hore ugu wareejiyey ka dib markii u udhalinyaradda ka soo ururiyey kuna qanciyey inay Kubadda iyo horumarka ku tartamaan ee ay colaada iyo iskooxaysiga joojiyaan uu Ciidanka Bilayska Somaliland iyo Wasaaradda Ciyaaraha ee Somaliland oo dhawr bilood ka hor kala soo qaybgalay xidhitaanka xaflad lagu guddoonsiiyey Kooxdii ku guulaysatayΒ 8 kooxood oo degmadaasi ku dhaqan oo uu Koob Tartan ciyaareeda u dhigay.
HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA