157 Qof Oo Ku Dhintay Shil Dayaaradeed Oo Ka Dhacay Itoobiya

0
855

Addis Ababa (Hargeisa Press): 157 qof oo isugu jiray rakaab iyo shaqaalihii dayaaradda ayaa ku dhintay shil dayaaradeed oo maanta ka dhacay meel u magaaladda Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya. Siday baahisay wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA.

Dayaaradan bur-burtay oo ay lahayd shirkadda dayaaradaha Ethiopian airlines oo siday dad rakaab ahaa ayaa maanta gelinkii hore ku dhacdayΒ  meel u dhaw magaaladda Addis Ababa.

Dayaaradan oo duulimaadkeedda tirsigeedu ahaa ET 302 ayaa ka duushay magaaladda Addis Ababa, una socotay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

Taasoo la sheegay in ay saarnaayeen 149 qof oo rakaab ahaa iyo 8 qof oo ka mid ahaa shaqaalihii dayaaradda.

Dhamaanba dadkii saarnaa diyaaradaasi ayaa dhintay, mana jirto cid ka bad-baaday.

Dayaaradan ayaa ku dhacday degaanka loo yaqaano Bishoftu ama Β Debre Zeit, oo qiyaastii 45KM koonfur kaga beegan magaaladda Addis Ababa, xili ay dayaaradani qadar lix daqiiqo ah hawadda ku jirtay, saacadu markay ahayd 8:30 subaxnimo ee wakhtiga maxaliga ah.

Dayaaradan ayaa Β nooceedu ahaa Boeing 737. Shirkadda dayaaradaha Ethiopian airlines oo war ka soo saartay shilkani ayaa sheegtay in ay baadhitaan ku samaynayaan waxa sababay in dayaaradu dhacdo.

Dadkii rakaabka ahaa ee dayaaradan bur-burtay saarnaa ayaa dhalasho ahaan ka soo kala jeeday Β 33 wadan. Kuwaasoo 32 ka mid ahaa ay u dhasheen Kenya, halka 17 kale-na ay ahaayeen Itoobiyaan.

Kooxaha bad-baadda ayaa hawl galo ka wadda goobta shilku ka dhacay, β€œWaxaan idiin xaqiijinayaa dayaaradan duulimaadkeedda tirsigiisu ahaa ET 302, oo ka soo duushay magaaladda Addis Ababa, una sii jeeday Nairobi in uu shil ku dhacay” ayaa lagu yidhi war ay ka soo saartay shirkadda Ethiopian airline dhacdadani.

Geesta kale, raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa noqday masuulkii u horeeyay ee shilkan dayaaradeed ka hadlay. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter ayuu ka tacsiyadeeyay eheladda iyo saaxiibadda dadkii ku dhintay shilkaasi.

Sidoo kale madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa isna ka hadlay dhacdadani, waxaanu u duceeyay qoysaska iyo saaxiibadda ay ka baxeen dadkuu shilka ku dhintay.

β€œWaxaan aad uga muragaysanahay warka naxdinta leh ee la soo weriyay, ee ah in dayaarad ay lahayd shirkadda Ethiopian airline ay bur-burtay, lix daqiiqo uun markii ay hawadda ku jirtay, iyadoo ku soo jeeday Kenya.

Waxaan u ducaynayaa guud ahaan qoysaska iyo saaxiibadda ay ka baxeen dadkii shilkaas ku naf-waayay”, ayuu ku yidhi Kenyatta qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter.

Shirkadda dayaaradaha Β Max Boeing 737, ayaa lagu tilmaamaa dayaaradaha ugu wanaagsan dhinaca bed-qabka, uguna sumcadda weynΒ  shirkadaha dayaaradaha ee Afrika iyo caalamka-ba.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here