Kal-fadhiyada Cusub ee Golayaasha Wakiillada iyo Guurtida oo si Rasmi ah Uga Furmay Caasimadda Hargeysa

0
1403

Ajandaha qaybo-qoraalka ah ee loo qaybiyey mudanayaasha Golaha Wakiillada iyo qodobbada uu ka kooban

Hargeysa,(HargeisaPress)— Kal-fadhiyada caadiga ah ee baarlamanka (Guurtida iyo Wakiillada) Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si rasmi ah uga furmay xaruntooda guud ee Caasimadda Hargeysa shalay, kadib markii ay labada goleba ka soo noqdeen fasax ay ku jireen toddobaadyadii u dambeeyey.

Sida lagu sheegay qoraal lagu faafiyey website-ka Golaha Wakiillada oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay xalay, kal-fadhigga 39-aad ee Golahaas, waxa mudanayaasha loogu qaybiyey ajandaha qabyo-qoraalka ah ee loogu talogalay in Golaha Wakiilladu ku shaqeeyo muddada ay ku gudo jiraan kal-fadhigooda cusub.

“Kal-fadhigga 39-aad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta (shalay) oo sabti ah 9 March 2019 ka furmay Xarunta Golaha Wakiillada. Fadhigan 1-aad ee kal-fadhigga 39-aad oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Baashe Maxamed Faarax ayey ka soo qaybgaleen badiba xildhibaanada Golaha Wakiillada, waxaannu Guddoomiyuhu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu kal-fadhigani furmay, waxaana xildhibaanada loogu qaybiyey Ajandaha Kal-fadhigan oo uu Guddoomiye Baashe ku wargeliyey inay doodda ajanduhu bilaabmayso maalinta Axadda (maanta) ee 10 March 2019,” ayaa lagu yidhi qoraalka lagu faafiyey website-ka Golaha Wakiillada.

Haddaba, qabyo-qoraalka ajandaha kal-fadhigga 39-aad ee Golaha Wakiillada ee mudanayaasha loo qaybiyey waxa uu u dhignaa sidan, iyadoo ay mudanayaashu ka doodi doonaan ajandahan, isla markaana ay suurtogal tahay in wax laga beddelo ama wax cusub lagu soo kordhiyo, kadibna goluhu cod u qaadi doono, lana soo saaro ajandaha rasmiga ah ee lagu shaqaynayo kal-fadhigoodan cusub.

Geesta kale, Kal-fadhigga 68-aad ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa isna si rasmi ah uga furmay xaruntooda guud ee Caasimadda Hargeysa Sabtidii shalay, iyadoo qaybinta ajandaha qabyo-qoraalka ah iyo warbixinta Shir-guddoonka Golaha Guurtida loo ballammay Axadda maanta.

“Maanta (shalay) bishu waa 9 March 2019, waxa si rasmi ah innoogu furmay kal-fadhigga 68-aad ee Golaha Guurtida. War-bixintii Shirguddoonka iyo ajandihii kal-fadhigga 68-aad, waxa aynu ka dhigan doonaa berri (Axadda maanta), haddii Ilaahay yidhaahdo,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Md. Siciid Jaamac Cali.

HargeisaPress.com/Hargaysa Office

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here