Faysal Cali Waraabe oo Ka Digay Qorshe Ay Maagan-yihiin Cadowga Somaliland

0
1587
Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Ucid Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu soo dhaweeyay baaqii Beesha Caalamku ay ka soo saareen arrimaha doorashooyinka khilaafku ragaadiyay ee aan si dhab ah loo ogayn xilliga ay dalka ka qabsoomayaan.

Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in 13 November marka la gaadho hadii aan heshiis la gaadhin aanay xukuumadda Madaxweyne Biixi aqoonsan doonin, isaga oo u soo jeediyay in uu doorashada madaxweynaha ku qabto wakhtigii farsamo ee guddiga doorashooyinku soo jeedisay.

“Baaqay soo saareen beesha caalamku waanu la qabnaa, waana nu soo dhawaynaynaa, waa sidaa ay sheegeene madaxweynaha waxaanu leenahay doorasho madaxweyne oo laysla ogolyahay oo ku fadhida wakhtiguu uu koomiishanku soo saaray in aad qabataanu kaa rabnaa” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Faysal, ayaa waxaa uu ku hanjabay in mucaaradku aanay xukuumadda Muuse Biixi aqoonsan doonin wixii ka danbeeyay 13 November, oo ay ku eegtay 5-tii sanno ee la doortay.

“Waxaanu leenahay madaxweynaha 13 November isaga oo madaxweynaha Somaliland-na usoo jeediyay in uu doorashada madaxweynaha ku qabto wakhtigii farsamo ee gudida doorashooyinku soo jeedisay. wuu dhamaaday, cidna sharci daro madaxweyne kuma sheegan karto, mawqif kayagii aanu hore u sheegnay labada xisbi halkii ayuu taganyahay, 13 bisha wixii ka danbeeya dad siman ayaynu nahay” ayuu sii raaciyay.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa kale oo uu sheegay in cadow shisheeye oo Somaliland leedahay uu ka faa’iidaysanyo khilaafka, oo uu rabo in uu Somaliland burburiyo, madaama oo madaxda Somaliland ay is khilaafsantahay, wuxuuna intaa ku daray in Somaliland hore uga dagaalantay hoggaamiye fikradiisa dadka ku jujuuba.

Si kastaba, Xukuumadda Somaliland iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka, ayaa isku maan dhaafsan sida ay u soo kala horeynayaan doorashooyinka urrurada iyo ta madaxtooyada, iyaga oo mucaaradku ay Ku adkaysanayaan in doorashada madaxtooyadu soo horayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here