Duulimaad Emirates Ah oo Ku Socday New-York oo Dib Loo Celiyey

0
430

Athens (Hargeisa Press) – Diyaarad ay leedahay shirkadda Emirates, oo ku socotay New York iyada oo ay saaran yihiin ku dhowaad 250 qof, ayaa Khamiistii lagu qasbay inay dib ugu laabato magaalada Athens kadib digniin amni oo ka timid Mareykanka.

Saraakiisha, ayaa sheegay in xogta la siiyey diyaaradda ay la xidhiidhay β€œqof tuhun laga qabo oo ka mid ahaa dadka saaran diyaaradda.”

Afhayeen u hadlay booliska, ayaa sheegay in diyaaradda ay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Eleftherios Venizelos caasimadda Greece u soo kaxeeyeen laba diyaarad dagaal oo ah nooca F-16 oo ay leeyihiin ciidamada cirka Greece.

Duulimaadka EK-210, ayaa dib loo celiyey 45 daqiiqo kadib, waxayna soo cago dhigatay 10:00 PM ((2000 GMT), sida uu sheegay afhayeenka oo intaas ku daray in baadhitaan lagu sameynayo diyaaradda.

Diyaaradda, ayaa waxaa saarnaa 228 qof oo rakaab ah iyo 18 shaqaale ah.

Warbaahinta Greece, ayaa ku warrantay in mas’uuliyiinta Mareykanka ay booliska Greece uga digeen in β€œqof la tuhunsan yahay” uu saaran yahay diyaaradda.

Goor sii horreysay oo isla maanta ah, diyaarad kale oo ay leedahay Emirates oo ku socotay Dubai, ayaa loo diiday inay ka kacdo garoonka Athens, waxaana dhammaan rakaabka la mariyey hubin dheeri ah sababo la xidhiidha walaacyo amni, hase yeeshee lagama helin wax laga shakiyo, sida uu sheegay il-wareedka boolis ah.

Duulimaadkaas, ayaa ka kacay kadib shan saacadood oo dib u dhigis ah. Afhayeen u hadlay shirkadda Emirates ayaa xaqiijiyey labada dhacdo.

β€œEmirates waxay xaqiijin kartaa in duulimaadka EK201 ee Athens illaa Dubai ee 10-ka November dib loo dhigay kahor inta ayna kicin,” ayuu afhayeenka ku yidhi bayaan uu email ugu soo diray wakaalada wararka AFP.

β€œDuulimaadka EK209 ee Athens illaa Newark ee 10-ka November ayaa dib ugu laabtay Athens, sababo la xidhiidha hubin amni oo ay codsadeen mas’uuliyiinta,” ayuu yidhi afhayeenku.

Waxa uu intaas ku daray in rakaabkii saarnaa diyaaradda loo jaray ticket cusub oo Jimcaha maanta ah, islamarkaana la siiyey hotel ay seexdaan.

AFP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here