Gabadh Soomaaliyad Ah oo Lagu Dilay Magaalada Saskatoon Ee Dalka Canada

0
1477

Toronto (Hargeisa Press) – Gabadh Soomaaliyad ah oo lagu magacaabi jiray Hodan Xaashi, ayaa lagu dilay goob lagu caweeyo oo ku taalla magaaalada Saskatoon ee dalka Canada.

Gabadha la dilay oo ahayd 23 jir, ayaa ku baxday gacanta haweenay dalkaas u dhalatay oo lagu magacaabo Paige Theriault-Fisher, taasi oo laammaha ammaanku soo xidheen dilka ka dib.

Muuqaal la duubay xilliga uu dilku dhacayey, ayaa muujinaya labada hablood oo si xun u dagaallamaya iyo dadka goobta joogay oo isku daawanaya.

Hodan Xaashi, ayaa ahayd gabadh in muddo ah dalkaas joogtay iyada oo isu diyaarinaysay in ay sannadkan ku biirto waxbarashada sare ee Jaamacadda.

Soomaalida reer Canada, ayaa waxaa ay si weyn murugo uga muujiyeen geerida Alle ha u naxariistee Hodan Xaashi.

Hodan Xaashi, ayaa la sheegay inay Saskatoon u guurtay xagaagii 2021, ka dib markay ka qalin jabisay Dugsiga Sare ee Sir Robert Borden.

Hodan Xaashi, ayaa sida laga soo xigtay qoyskeeda waxay ku naaloonaysay Saskatoon muddo sanad ah, si ay u sii wadato waxbarashadeeda sare, Waxay ka shaqaynaysay magaalada, waxaana lagu waday inay dhigato Saskatchewan Polytechnic.

Waxaa dalka Canada ku soo badanaya dilalka loo gaysanayo dhalinyarada Soomaalida ah, iyadoo ay Waalidiinta Soomaalidu ka walaacsan yihiin dilalka dhallinyarada oo sii kordhaya, xilli ay wadaan dadaallo kala duwan oo arrintaas lagu joojinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here