Diiwaangalinta Codbixiyayaasha Gobolka Maroodi-jeex Oo Gashay Wajiga Maalintii Saddexaad Iyo Masuuliyiinta Saddexda Xisbi Qaran Oo Kormeero Ku Tagay Goobaha Ay Ka Socoto Diiwaangalintu + SAWIRRO

0
681

Hargeysa, (HargeisaPress) β€”Diiwaangalinta codbixiyayaasha oo 30-04-2016- si rasmi ah uga bilaabmatay gobolada maroodi-jeexΒ  ayaa maalintii saddexaad si habsami leh uga socota deegaanadaΒ  hoos yimaada gobolka maroodi-jeex iyo caasimada magaalada hargeysa.

 

Waxaana diiwaangalintaasi ilaa hadda ay usocotaa sidii loogu talla galay, iyada oo sidoo kalena si nabad ah uga soo dhamaatay gobolada Togdheer,Awdal,saaxil,Hawd iyo Gabiley .

 

Waxaana la filayaa inay sidoo kalena gobolkan iyo degmooyinka hoos yimaadana ay si nabad ah kusoo dhamaato.

 

Dhanka kalena gudoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka somaliland Cabdiqaadir Imaan Warsame iyo gudida komishanka ayaa iyagu socdaaloΒ  kormeer ah ku tagay deegaano badan oo ay ka socoto diiwaangalintu, iyaga oo sidoo kale soo indha indheeyey habsami usocodka hawlaha diiwaangalinta ee caasimada hargeysa.

 

Dhanka kalena masuuliyiinta xisbiyada qaranka ayaa iyaguna kormeero kala duwan ku tagay goobaha ay ka socoto diwiangalintu iyo deegaano hoos yimaada magaalada hargeysa,waxaanay soo indha indheyeen habsami usocodka hawlaha diiwangalinta.

 

Waxaanay masuuliyiintani bulshooyinka ku nool goobaha diiwnagalintu ka socoto ku booriyeen kuna bogadiyeen inay qaataan kaadhka codaynta isla markaana ay is diwaangaliyaan.

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here