Cabdicasiis Samaale Oo si balaadhan loogu soo dhaweeyay Magaaladda Washington ee Dalka Mareykanka + SAWIRRO

0
917

Washington DC, (HargeisaPress) —Waxa maanta oo taariikhdu tahay bisha May kowdeeda, 2016, lagu soo dhoweeyay Cabdicasiis Maxamed Samaale garoonka diyaaradaha ee Washington Dulles International Airport. Waxa halkaas ku qaabilay Wakiilka Somaliland ee Waddanka Maraykanka, Rashid Garuf, iyo qaar ka mida odoyaasha iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee Washington DC. Cabdicasiis Samale wuxu ka qayb gelayaa shir xisbiga Kulmiye ku leeyahay magaalada Washington bisha May 7-deeda.

SAMAAL

Samaale waxa kale oo uu ka qayb galayaa shirka Somaliland Conference ee lagu qabanayo Washington DC bisha May 20keeda iyo 21keeda. Kaas oo loogu dabaal degaayo 25-tan guuradii madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland. Shirkaas (www.somalilandconference.com) oo ay ka soo qayb geli doonaan madax ka socota dawlada Somaliland, xisbiyada qaranka, barlamaanka, gudida doorashooyinka, ururada madaxbanaan, iyo aqoon yahano Maraykan ah.

SAMA

Samaale wuxu mahadnaq u soo jeediyay dhamaan taageerayaasha Kulmiye guud ahaan iyo gaar ahaan jaaliyada Kulmiye ee Washington DC ee sida qiimaha badan ugu soo dhowaysay Airportka. Wuxu yidhi waxaynu isku waraysan doonaa shirka May 7-deeda inoo qabsoomaya, haddii illaahay yidhaahdo.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here