Dhaam Biyood Laga Hirgeliyay Laan Qayrta Qool-dhuxulaale Oo Xadhiga Laga Jaray

0
668

Salaxlay (HP): Agaasimaha guud ee wasaarada Biyaha Somaliland ayaa maanta xadhiga ka jaray Dhaam-Biyood ku yaala deegaanka Laan-Qayrta Qool-dhuxulaale oo ka tirsan degmada Salaxlay.
Sidoo kale waxa uu agaasimuhu soo kormeeray mashaariic horumarineed oo ka socda degmada Salaxlay, kuwaasoo ay ka waddo ama hirgelinayso xukuumadda Somaliland.
Agaasimaha wasaaradda biyaha waxa uu sheegay ay dib u kiciyeen ku dhawaad Kontan Ceel biyood oo fadhiyay oo hada laga Cabo.
Waxaa kaloo uu tilmaamay agaasimuhu in ay socdaan ceelal kale oo hadda gacanta lagu hayo, isagoona xusay in waxyaabahaasi horumarka ah ay ku yimaadeen siyaasadda xukuumadda ee horumarinta biyaha.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here