Daawo Muuqaal: Wasiirka Warfaafinta oo Maanta Ka Hadlay Sababta uu Isu Casili Waayay!!!!

0
773

Hargeysa, (HargeisaPress) β€” Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa Maanta Markii u Horaysay Waxa uu ka hadlay Sababta uu uga hadhay Xubnihii Wasiiradda ahaa ee Iska Casilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ay Saaxiibo Dhow ahaayeen.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo ka hadlayay Madal uu Maanta Xilka ku wareejinayay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Cadeeyay inay Saaxiibtinimadoodu Jiri doonto Waxaanu Xusay inay Ku Balan Sanaayeen in Meel Codka Wada Mariyaan Isagoo intaas ku daray in Β Marka uu Furmo Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye uu Codkiisa marin doono Halka ay Saaxiibadiisii ay Xukuumadda ku Wada Jireen u codayn doonaan oo aanu ka baydhi doonin.

 

Wasiir Cukuse Wuxuu intaas ku Ladhay inuu ka Xishooday in Madaxweyne Siilaanyo oo Magacaabay uu iska Casilo.

 

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here