Wasiirka Beeraha Somaliland Oo isku shaandhayn iyo magacaabis ku sameeyey Wasaaradiisa

0
812

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim ayaa isku shaandhayn iyo magacaabis ku sameeyey Agaasime waaxeedyada Wasaaaradda Beeraha.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Beeraha Mudane Sacad Muuse Cabdi oo ku sabsanayd isku shaandhaynta iyo magacaabista Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Beeruhu ayaa waxa ay u dhignayd Sidan.

 

Ujeedo: Magacaabis Iyo Iskushaandhayn Agaasimayaal

 

Markii ay u muuqatay Wasiirka W/Beeraha baahida in la dardargaliyo tayaynta shaqada Wasaaradda Beeraha iyo kordhinta tacabka waxsoosaarka

Markii uu Wasiirka W/Beeruhu arkay in gabdhaha waxbartay ay ku dabranyihiin karaani ama xoghayn oo aan waafaqsanayn xuquuqda distoorka qaranku  siiyey haweenka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaalilaadna amaray in loo fuliyo, wuxu soo saaray magacaabis iyo iskushaandhaynta soo socota:-

Magaca Agaasimaha        Waaxaha Wasaaradda Beeraha
Cabdirashiid Maxamed Axmed Agaasimaha Waaxda Bustaanada  iyo Shinida Malabka
Ibraahim Carab Ceelaabe Agaasimaha Waaxda Cagafyada, Gaadiidka  & Horumarinta Beeraha
Maxamed  Liibaan Ismaaciil Agaasimaha Waaxda Dhulka iyo Biyaha
Hodan Axmed Maxamed Agaasimaha Waaxda Qorshaynta & Tirokoobka
Yaasmiin Xasan Saciid Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha
Cabdirasaaq Cabdillahi Ibraahim Agaasimaha Waaxda Tijaabada & Abuurbadinta
Ibraahim Cumar Kaahin Agaasimaha Waaxda Mashaariicda iyo Xidhiidhka Hay’adaha

 

 

Alla Mahadleh,

Sacad Muuse Cabdi

Afhayeenka W/Beeraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here