Daawo Muuqaal: Garabka Haweenka Gobalka Gabiley Oo Si Wayn Utageeray Muuse Biixi Cabdi

0
945

Gabiley, (HargeisaPress) β€” Garabka Haweenka Xisbiga Kulmiye Ayaa Xaflad Tageero Ku Qabtey Xarunta Xisbiga Kulmiye Ee Ku Leeyahay Gobalka Gabiley .Munaasibadan Balaadhan Waxa Kasoo Qayb Galay Haween Aad Utiro Oo Kala Jirey Ururada Bulshada Ee Degmada Gobalka Gabiley.

Xafaladanm Oo Si Heer Sare Ah Losoo Aagisamey .Ujeedada Xafladan Oo Ka Turjumisay Inay Aad Utageersanyihiin Gudoomiyaha Xisbiga Kumiye Muuse Biixi Cabdii Ahna Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga Ugu Tartamaya 10 bisha danbeΒ .

Hadaba Tageeradan Aan Loo Kala Hadhin Waxa Ugu Horayn Ka Hadley GUDMOOIYAHA Ururka Qaranka NOWΒ  Marwo Haweeya Cabdi Kaahin Oo Si Ugu Hadashey Inuu Muusi Bixi Cabdi Yahay Mujaahid In Badan Usoo Halgamayey Wax Wada Lahaanshaha Qaranimda Somaliland Isla Markaana Utaaganyahay Wakhtigii Uu Hogaaamin Laha Talada DalkaΒ  Ayna Tahay In Lagu Sharfo Laguna Maamuso Golaha Dhexe Ee Xisbiga Loona Codeey,Sobabta Oo Ah Waxa Shalay Xisbiga Kulmiye Ku Guulaystey Oo Aan Ucodayney Oo Xisbigana Tageero Ku Siiney Waa Muuse Biiix Cabdi,Sidoo Kale Waxa Madashan Ka Hadley Xoghaya Ururka Qaran Ee NowΒ  Marwo Kaltuun Haruuun Maxamed Kana Hadashey Inuu Maanta Taagan Hogaaminta Dalka Loona Baahanyahay In Loo Codeeyo Oo Aan La Garab Dhigin Musharxiinta Kale Ee Ku Lidka Muuse Biixi Kana Mudanyahay Muuse Oo Ay Qurbajooog Yihiin Shalay Soo Galay Siyaasada Dalka Oo Aanay Lagu Aamini Karin Hogaamin Umada Reer Somaliland.

 

Sidoo Kale Hadalo Dhiirigalin Ka Yidhi XOGHAYA Garabka Haweenka Ee Xisbiga.Xaliimo Muuse Hassan.Sidoo Kale Waxa Hadalo Ka Jeedisay Gudoomiye Kuxigeen Garabka Ee Kulmiye Deeqa Awmuuse Rooble.

Garabka Haweenka Gobalka Gabiley

Hadaba Munaasibadan Oo Ahayd Mid Aaan Loo Kala Hadhin ,Horana Loo Arag Munaasibad Haween Wayne Intaa Leeg Kasoo Qayb Galeen Ayaa Waxa Soo Agaasimey Gudoomiyaha Garabka Haweenka Kulmiye.Iyadoo Warbaahinta Usheegtey In Munaasibadani Tahay Tii Ugu Waynayd Urur Waynaha Xisbiga Kulmiye.

Cabdikariim Mohamed Aw aadan β€” HargeisaPress β€”Β Gabiley Β 

Email.wacays28@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here