“Caqabadda koowaad ee beeralayda dalkeena haysataa waa Hay’adda WFP”… Xildhibaan Ismaaciil

0
373

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xildhibaan Suldaan Ismaaciil suldaan C/raxmaan oo ka tirsan mudaneyaasha golaha Guurtidda Somaliland ayaa eedeeyay WFP in ay caqabad ku tahay wax soo saarka beeralayda dalka.

Waxaanu sheegay xildhibaan Ismaaciil, haayadda WFP marka ay soo go’aan wax soo saarka beeralayda xamaliga ah ee ay ahayd in ay suuqyadda u iib geeyaan ay haayadaasi dalka keento raashin caawimooyin ah.

Xildhibaan Suldaan Ismaaciil suldaan C/raxmaan, oo ka qayb qaatay dooddii maanta ee golaha Guurtidda Somaliland qodobka 8aad ee kal-fadhiga 77aad ee ajandaha golaha Guurtidda oo ka hadlaya dhaqaalaha.

Ajandahaasi oo u qaybsan laba farqadood oo kala ah, A iyo B, ayaa ta koowaad waxa ahayd ‘waa maxay dhibaatadda hor taagan tabcashadda dhulka, haday tahay beer roobaadka, iyo beer biyoodkaba.

Waxaanu sheegay xidlhibaan C/raxmaan, in caqabadaha beeralayda dalkeena haysata ay ka mid tahay biyo la’aan baahsan oo dalka ka jirta, taasoo wada saamaysa beer roobaadka iyo beer biyoodkaba.

Xidhibaanku waxa uu intaas raaciyay in beer biyoodka dalkeena ka jira in 99% ceelasha laga waraabiyo ay yihiin kuwo gacmaha lagu qoday, isla markaana wax yar oo ka mid ah beer biyoodyadu ay leeyihiin ceelal riig lagu qoday.

Sidaas darteedna maadaama oo beeralayda dalkeena intoodda badani ay yihiin dad danyar ah aanay awood u lahayn in ay soo saaraan dalagyo la iib gayn karo, isla markaana waxa yar ee ay beeralaydu soo saarto ay iyagu quutaan.

Hase yeeshee waxa yar ee ay beeralaydu ka helaan beeraha in aanay u helin saylad ay u iib geeyaan, iyadoo taas ay kaga sii daran tahay in marka dalaga yari u soo go’o ay haayadda WFP mucaawimooyin keento dala, isla markaana ay suuqiiba ka xidho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here