Golaha Wakiilada oo Kal-Soonidda Kala Noqonaya Wasiirka Qorshaynta

0
465

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddi hoosaadka ilaalinta iyo daba-galka hantida qaranka ee golaha Wakiiladda, ayaa wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland ka gudbiyay mooshin kal sooni kala noqosho ah.

Kadib markii sida ay sheegeen ilaa afar jeer ay u qoreen waraaq yeedhmo ah wasiirka qorshaynta Cumar C/laahi Bede, balse uu wasiirku iska dhego tiray waraaqdaasi yeedhmadda ah.

Si ay wax uga waydiiyaan hanaanka maamul ee sanduuqa horumarinta qaranka Somaliland ee loo yaqaano SDF kaasoo lagu soo hagaajiyo caawimooyinka ay dalalka caalamku siiyaan Somaliland.

Soo jeedinta kal sooni kala noqoshadda wasiirka qorshaynta ee ay ka gudbiyeen guddi hoosaadka ilaalinta iyo daba-galka hantida qaranka waxaa golaha ka hor akhriyay Xoghaya Guud ee golaha Wakiilada C/risaaq Siciid Ayaanle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here