Islaan Ciise Islaan Maxamed Oo Ka Hadlay Amni Darradda Garoowe

0
639

Garoowe (HP): Islaan Ciise islaan Maxamed, oo ka mid ah madax dhaqameedka maamulka Puntland ayaa si adag uga hadlay amni darradda muddooyinkan danbe ku soo korodhay magaaladda Garoowe.
Waxaanu sheegay islaan Ciise, in dhacdooyinka amni darro eek a dhaca magaaladda Garoowe in ay masuuliyadoodda qaadayaan xukuumadda maamulka madaxweyne Siciid C/laahi Deni.
Islaan Ciise islaan Maxamed, oo maanta hadal ka jeediyay kulan ka dhacay magaaladda Garoowe ayaa xusay in sidoo kale ay xukuumadu wax ka qabato colaadaha u dhexeeya beelaha ee ka jira gobolka Nugaal.
Waxaanu madax dhaqameedka beelaha colaadu u dhaxayso ku adkeeyay in ay keenaan cid kastoo denbi gaysata, isla markaana aanay suurto gelaynin in la yidhaahdo sharcigu nama qabto.

DAAWO: Hadalka Islaan Ciise islaan Maxamed:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here