Magaalooyinka Waa Weyn Ee Somaliland oo Si Weyn Looga Ciiday Saaka Xili Uu Jiro Xanuunka Coronavirus

0
1654

Hargeisa (Hargeisa Press)- Waxaa Saaka si weyn looga Ciiday gobolada iyo Degmooyinka Somaliland, inkastoo wakhtiga lagu dhawaaqay inay ciid tahay ay ahayd wakhti dambe oo xalay ah.

Masaajidda Somaliland ayaa laga tukaday saaka salaada Ciida iyadoo uu buray amarkii xukuumaddu ka soo saartay in aan lagu tukan masaajida iyo goobaha kale si looga fogaado faafitaanka Coronavirus, iyadoona goobaha caruurtu ku ciyaaraan ay xidhnaayeen qaar kood halka kuwo kalena ay furnaayeen.

Wadooyinka magaalooyinka Somaliland ayaa saxmad ahaa saaka, caruur iyo waalid gacanta haya ayaa soo buuxdhaafiyay kuwaasoo u socday booqashada iyo marxabeynta eheladooda.

Sidoo kale, isu socodka dadweynaha iyo gaadiidka ee iskugu gudbayay gobolada dalka ayaa gabi ahaanba xidhnaa oo aan jirin cid isaga kala gudbaysa sababo la xidhiidha amarkii xukuumadu soo rogtay.

Dadka badankooda ayaan xidhneyn maaska afka lagu xidho si looga hortago Fayraska Corona.

Dhinaca kale, waxa jira dad aan ciidin oo ku nool magaalooyinka Somaliland qaarkood kuwaas oo sheegay in dunida muslimka ah badankeed aan laga ciidin sidaa daraadeedna ay soon tahay, balse Wasiirka wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Axmed ayaa wakhti dambe oo 2-dii habeenimo ee xalay ahayd ku dhawaaqay inay maanta ciid tahay.

Ciidul Fitriga ayaa sanadkan soo gashay iyadoo cudurka safmarka ah ee Korona Fayras uu faro ba’an ku hayo Somaliland oo dhan iyadoo gobollada dalka oo dhan laga helay xanuunka.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here