Booliska Somaliland oo Gacanta Ku Dhigay Nin Qaab-Xeeladaysan U Dhacayay Shacabka

0
1265

Hargeysa (Hargeisa Press)- Ciidanka Booliska Somaliland, gaar ahaan Saldhiga Maxamuud Haybe (Qudhac Dheer) ee magaalada Hargeysa, ayaa gacanta ku soo dhigay nin qaab xeeladaysan u dhacayay Dadweynaha.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi Faarax, ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu dhac u gaystay Hooyooyin dhawra, islamarkaana u dhacayay qaab xeeladaysan.

Taliyaha Saldhiga Maxamuud Haybe Dhamme Khadar Maxamuud Cumar, ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen eedaysane Maxamed Cabdi Faarax, Ina Faadumo Ibraahim, waxaanu xusay in Dhibane Qadan Muuse Cabdillaahi, uu ka dhacay telefoonkeedii gacanta, islamarkaana uu ka shubtay lacag dhan 950-kun oo Shilinka Somaliland ah.

Sidoo kale, waxaa uu xusay in eedaysanahan laba cisho ka hor uu soo galay Kiiskiisu Saldhiga, intaas kadib waxaa uu tilmaamay in ciidanka ay hawlgaliyeen kuna guulaysteen in la soo qabto eedaysanahaasi.

Gaba-gabadii waxaa uu sheegay in eedaysanahan oo caadayste ah kuna jira gacanta laamaha ammaanka ay horgeyn doonaan sharciga, waxaanu intaas ku daray in dhacdooyin badan oo uu galayna ay faahfaahin doonaan, isla markaana laba sano ka hor ay ka boolis ahaan u haysteen kiis Khiyaamo ah oo ku saabsan isdabarin Zaad.

Waxaanu caddeeyay taliyuhu in eedaysanuhu uu shaqo ka dhigtay dhaca dadka, waxaanu bulshada ka codsaday inay la soo wadaagaan booliska wixii xoga ee ay ka hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here