Badhasaabka Sool oo Ka Hadlay Khasaaraha Rabshadihii Ka Dhacay Laascaanood

0
1089

Laascaanood (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha gobolka Sool, ayaa ka hadlay xaaladihii u danbeeyay ee rebashadihii shalay ka dhacay magaaladda Laascaanood, kadib markii ay dadka magaaladaasi ka cadhoodeen nin habeen hore lagu dilay magaaladaasi.

Waxaanay shalay dadweynaha Laascaanood dhigeen mudaharaad ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin in xukuumadda Somaliland aanay waxba ka qaban dilal soo noq-noqday ee ka dhaca Laascaanood.

C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in maanta ay xaalada magaaladu degan tahay, isagoona tacsi u diray eheladda iyo qarraabada marxuumkii habeen hore lagu dilay Laascaanood.

Sidoo kale, badhasaabka Sool ayaa tacsi taa la mid ah u diray eheladda ay ka baxeen saddex qof oo ku geeriyooday rebshadihii shalay ka dhacay Laascaanood, halka uu sidoo kale ALLE SWT uga baryay inuu caafimaad siiyo dadkii shacabka ahaa ee rebshadihii shalay ka dhacay magaaladda Laascaanood, kuwaasoo ku dhaawacmay Rasaas ay ku kala eryayeen ciidamadda amaanku.

C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, ayaa dadkii shalay mudaharaadka ka dhigay Laascaanood ku tilmaamay in ay ahaayeen kooxo uu sheegay in ay doonayeen in ay nabad geliyadda carqaladeeyaan.

Waxa kaloo uu guddoomiyuhu ku eedeeyay kooxahaasi in ay doonayeen in ay boob u gaystaan ganacsiga magaaladda, isagoona tilmaamay in ay gacan adag ku qaban doonaan cid kastoo isku dayda in ay nabad-geliyadda waxyeelayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here