Al-shabaab oo Xayiraad Ku Soo Rogtay Shirkadda Isgaadhsiinta Hormuud

0
861

Muqdisho (Hargeisa Press) – Wararka ka imanaya Soomaaliya, ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay xayiraado ku soo rogeen dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo shaqaalaha shirkadda isgaadhsiinta ee Hormuud Telecom.

Ilo lagu kalsoon yahay oo diiday in magacooda la sheego sababo dhinaca amniga ah, ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay joojiyeen dhaqdhaqaaqaas.

Shirkadda Hormuud oo ah tan ugu weyn shirkaddaha isgaadhsiinta ee Soomaaliya, ayaan illaa iyo hada ka hadlin arrintan.

Af-hayeenka ciidanka milateriga ee Soomaaliya Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cali Caanood, ayaa dhowaan sheegay in Al-Shabaab ay magaalooyinka Soomaaliya ka jaraan isgaadhsiinta iyo biyaha marka ay ka soo baxayaan, hase yeeshee waxa uu sheegay in adeegyadaas markiiba dib loogu soo celiyo deegaannadaas.

Mid ka mid ah khubarada Soomaaliya darista, ayaa isna u sheegay in Al-Shabaab ay diidayaan in isgaadhsiintu ay gaadho deegaannadii ay ka qabsadeen dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaankaas, taasina ay sabab u tahay inay xayiraan shaqaalaha iyo baabuurta shirkaddu inay u safraan deegaannadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here