Fannaan Cabdinaasir Macalin Caydiid oo Geeriyooday

0
2605

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Allah ha u naxariistee waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku geeriyooday fanaankii weynaa ee Cabdinaasir Macallin Caydiid, halkaas oo xaalad caafimaad loogu qaaday.

Marxuum Fannaan Cabdinaasir Macalin Caydiid, ayaa waxaa uu in muddo ah u jiifay xannuun, kaas oo ugu dambayntii xalay u geeriyooday.

Fannaanka Cabdinaasir Macalin Caydiid, ayaa waxaa uu ka mid ahaa Rukumada Fanka Soomaalida gaar ahaan iyo guud ahaan aadna ugu caan ahaa tumista Cuudka.

Cabdinaasir Macallin Caydiid, ayaa waxa uu ahaa laxamiste iyo heesaa qaaday heeso dhawr ah oo aad loo jecel yahay oo ay ka mid ahaayeen Nabsi oo uu lahaa Xuseen Rooble ( Xaa-Gujis) iyo kuwo kale oo ay qaarkood ka hadlayeen noloshiisa gaarka ahayd.

Cabdinaasir Macalin Caydiid oo noloshiisa inta ugu badan ku qaatay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa fankiisana aad loo jeclaa ku dhawaad Soddomeeyo sano uu ka mid ahaa fannaaniinta looga hadhay tumista cuudka ama Kabanka.

Waxaanu sidoo kalena ahaa Mulaxan iyo waliba heesaa codkiisa si weyn loogu raaxaysto, ayaa waxaa lagu xasuustaa kaalintii uu ka soo qaatay Halgankii dib u xoraynta Somaliland iyo waliba qaabkii hagar la’aanta ahaa ee uu Fannaaniinta ugu hagar bixi jiray tumista Kabanka oo uu si weyn ugu xeel dheeraa.

Fannaan Cabdinaasir Macalin Caydiid, ayaa Muddooyinkii dambe ka hawl galayay xarunta Hiddo-Dhawr ee Caasimadda Hargeysa, isaga oo ahaa fannaan si weyn looga jecel yahay guud ahaan geyiga Soomaalidu degto mudadii uu fanka ku jirayna qaaday heeso aad u macaan sidoo kale laxameeyey boqollaal heesood oo ka mid ah kuwa loogu jecel yahay fanka Soomaalida oo ay ku luuqeeyaan fannaaniin heer walba leh kuwii hore, kuwii dhexe iyo kuwan casriga ahba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here